4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 3 , 2012
Goobjoogayaashii Caalamiga ahaa oo ka hadlay Doorashada Somaliland iyo Degmooyin la shaaciyey Natiijadii kasoo baxday
Isniin, December 03, 2012 (HOL) — Goobjoogayaashii Caalamiga ahaa ee u kuurgaliyey qaabka doorashooyinka golaha deegaanku uga dhaceen Somaliland ayaa sheegay inay si nabadgalyo ah uga dhacday doorashaddu Somaliland, isla markaana dadku si weyn ugu soo baxeen codeynta, taas oo keentay inay ka bataan dadkii doorashooyinkii hore codeen jiray,kuwaas oo dadweynaha somaliland ku tilmaamay qaar u bislaaday dimuqraadiyada iyo usoo bixitaanka doorashooyinka.

Sidoo kale, waxay goobjoogayaashu warbixintooda hordhaca ah ku sheegeen inay dhallinyarada iyo haweenku si weyn ugu soo baxeen doorashooyinka, kuwaas oo iskugu jiray qaar codeynaya iyo qaar sharaxan oo loo codaynayo, kuwaas oo  ka duwan  doorashooyinkii hore oo ay haweenka iyo dhalinyaradu ku yaraayeen, taasina ay keentay ka dib markii xeerkii xakamaynayey dhalinyarada meesha laga saaray.

Kormeerayaashan ayaa sheegay in hawl adag ay galeen Guddida Doorashooyinka, isla markaana si fiican ula shaqeeyeen goobjoogayaasha caalamiga ah iyo gudaha ka hawlgalyey, waxaanay sheegeen inay warbixintoodda rasmiga ah shaacin doonaan maalinta lagu dhawaaqo, waxaanay bulshadda Somaliland iyo guddida doorashooyinka uga mahadceliyeen kaalintii balaaadhnayd ee ay ka gaysteen hirgalinta doorasho xasaasi ah oo dad badani ka qaybqaadanayaan, waxaanay tilmaameen inay hawshu ahayd mid baaxad leh oo ay ka qaybgaleen  2,368 musharax oo ka tartamayey 21 degmo, isla markaana ku tartamayeen toddoba urur siyaasi, halka laga rabay inay soo baxaan 3,79 Xildhibaan iyo saddex xisbi qaran, taasina ay keentay culays baaxad leh oo ay u dhabar adeegeen hawl-wadeenadda doorashooyinka.

Dhinaca kale, dadweynaha ayaa wali dhawraya ku dhawaaqida magaalooyinka waaweyn iyadoo aad arkayso dadka oo qalin xaashi wada haysta oo isku gaysanaya musharax walba iyo urur walba inta degmo ee uu ka soo baxay iyo waliba musharax uu taageersanaa inta dhibcood ee goobihii laga codeeyey uu ka helay, waxaana inta badan la is waydiinayaa mushrax walba inta dhibcood ee uu haysto, inkastoo musharax waliba wali taagan yahay inuu guulaystay oo dhibco fiican haysto.

Haseyeeshee, ilaa hadda waxa lagu dhawaaqay ilaa 13 degmo oo la shaaciyey siday u kala heleen ururaddu, balse ilaa hadda waa la sugaya magaalooyinka waaweyn, kuwaas oo hawl adagi ka socoto, isla markaana habeen iyo maalinba ay ka socoto tirinta codadka , iyadoo lixdii saacadoodba ay kooxi galayso,  waxaana kolba iska soo daba dhacaya warar kala duwan oo musharaxiintu ku kala saraynayaan, taas oo si weyn ay farta wadnaha ugu hayaan, isla markaana aad arkayso iyagoo ku gaaf wareegaya xafiisyadooda iyo goobaha Komishanku ku shaqaynayaan.

Si kastaba ha ahaatee, degmooyinka sida rasmi ah loogu siii dhawaaqay waxa ka mid ah:
  1. Degmadda Ceel- AFweyn: waxa ay ka kala heleen xisbiyadu sidan : Kulmiye 8 Xildhibaan, Rays 3 Xildhibaan,  Waddani 3 Xildhibaan, Ummadda 1 Xildhibaan, Ucid 1 Xildhibaan Dalsan 1 Xildhibaan, Xaqsoor 0 Xildhibaan.
  2. DEGMADDA SHEEKH:Waddani  4 Xildhibaan ayuu ka haley, Kulmiye 4 xildhibaan, Ucid  3 xildhibaan, Dalsan 1 xildhibaan, Xaqsoor 1 xildhibaan, Ummadda waxba kama helin degmadaasi, RAYS waxba kama helin.
  3. DEGMADDA SAYLAC: Kulmiye 6 Xildhibaan,  Waddani 4 Xildhibaan, Xaqsoor 3 Xildhibaan, Ucid 2 Xildhibaan, Dalsan 1 Xildhibaan, Umadda 1 Xildhibaan, Rays 0 Xildhibaan
  4. DEGMADDA BAKI: KULMIYE 5 Xildhibaan, WADANI 4 Xildhibaan, DALSAN 1 Xildhibaan, UMADDA 2 Xildhibaan, XAQSOOR 1 Xildhibaan, RAYS 0 Xildhibaan, UCID 0 Xildhibaan.
  5. DEGMADDA OODWEYNE: UMMADDA 7 Xildhibaan, WADANI 6 Xildhibaan, KULMIYE 1 Xildhibaan, XAQSOOR 1 Xildhibaan, UCID 1 Xildhibaan, DALSAN 1 Xildhibaan, RAYS 0 Xildhibaan.
  6. Degmadda BALIGUBADLE: XAQSOOR   7 xildhibaan, KULMIYE 2 xildhibaan, WADANI 2 Xildhibaan, UCID 1 xildhibaan, DALSAN 0 Xildhibaan, UMMADDA 0 Xildhibaan, RAYS 0 Xildhibaan.
  7. Degmadda LUGHAYA: KULMIYEK 6 Xildhibaan, XAQSOOR 3 Xildhibaan, UCID 2 Xildhibaan, WADANI 2 Xildhibaan, UMMADDA 0 Xildhibaan, DALSAN 0 Xildhibaan, RAYS 0 Xildhibaan.
  8. Degmadda CAYNABO: KULMIYE 6 Xildhibaan, XAQSOOR 4 Xildhibaan, WADANI 2 Xildhibaan, UMMADDA 1 Xildhibaan, RAYS 0 Xildhibaan, DALSAN 0 Xildhibaan, UCID 0 Xildhibaan.
  9. Degmadda QORILUGUD: Kulmiye 3 Xildhibaan, Waddani   1 Xildhibaan, Rays 1 Xildhibaan, Umamada 1 Xidhiban, Ucid 1 Xidhiban, Xaqsoor 0 Xildhibaan, Dalsan 0 Xildhibaan.
  10. Degmadda GAR-ADAG : Rays 8 Xildhiban, Kulmiye 3 Xildhiban, Waddani 2 Xildhibaan, Ucid 0 Xildhibaan, Ummadda 0 Xildhibaan, Xaqsoor 0 Xildhiban, Dalsan 0 Xildhibaan.
  11. Degmadda SALAXLEY: Ucid 5 Xildhibaan, Kulmiye 3 Xildhibaan, Xaqsoor 2 Xildhibaan, Waddani 2 Xildhibaan, Rays 1 Xildhibaan, Ummadda 0 Xildhibaan, Dalsan 0 xildhibaan.
  12. Degmadda LAACANOOD: Kulmiye 6 Xildhibaan, Xaqsoor 5 Xildhibaan, Waddani 3 Xildhibaan, Ucid 3 Xildhibaan, Ummadda 2 Xildhibaan, Dalsan 1 Xildhibaan, Rays 0 Xildhibaan.
  13. Degmadda Boorame, Kulmiye 7 xildhibaan buu helay, WADANI 4 Xildhibaan, UCID 3 Xildhibaan, UMMADDA 3 xildhibaan, RAYS 2 Xildhibaan, XAQSOOR 1 Xildhibaan, DALSAN 1 Xildhibaan.
Si kastaba ha ahaatee, ururka XAQSOOR ayaa sheegay in xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ku shubteen goobaha qaarkood, kuwaas oo ugu baaqay Komishanka doorashooyinku inay dib u saxaan khaladaadkii dhacay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland