3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 3 , 2012
Wafdi isugu jiray Wasiirro iyo Saraakiil Ciidan oo maanta lagu weeraray inta u dhexeysa Degmada Marko iyo Shalaanbood
Isniin, December 03, 2012 (HOL) — Wafdi isugu jiray wasiirro iyo saraakiil ciidan oo uu hoggaaminayay wqasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ayaa lagu weeraray maanta duleedka degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo kusoo jeeday Muqdisho, kaddib markii ay soo gabagabeeyeen safar ay ku joogeen degmada Marko.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, Cabdulqaadir Maxamed Siidii ayaa xusay in weerarka uu ka dhacay inta u dhexeysa deegaanka Shalaanbood iyo degmada Marko, wuxuuna xaqiijiyay in loo sheegay in afar askari oo ilaalo u ahayd taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliya ay si xun ugu dhaawacmeen qarax lala eegtay gaari ay wateen.

"Mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen ilaalada taliyaha booliiska Soomaaliya, Shariif Sheekhunaa Maye ayaa markii hore qarax lala eegtay, waxaana ku dhaawacmay halis ah uu kasoo gaaray afar ka mid ah askartii saarnaa, markaas kaddibna waxaa xigay dagaal socday muddo daqiiqado ah," ayuu yiri Siidii.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxa lala beegasday gaariga ay wateen ciidamada dowladda iyo dagaalkii xigay, balse saraakiil u hadlay dowladda ayaa sheegay in khasaare ay ku gaarsiiyeen xoogaggii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday.

Sidoo kale, guddoomiyaha Shabeellada Hoose wuxuu sheegay inuu jiray weerar kale oo lagu qaaday wafdigan shalay oo ay halkaas tageen, wuxuuna xusay inay dib u soo noolaadeen xoogaggii Al-shabaab ee laga saaray degmada Marko iyo kuwa ku dhow-dhow.

Al-shabaab ayaan weli ka hadlin dagaalka, waxaana dagaalkan uu noqonayaa midkii labaad oo ay ku qaadaan wafdigan ka socday dowladda oo ay ka mid ahaayeen wasiirka gaashaandhigga, wasiirka garsoorka iyo arrimaha diinta, taliyaha booliiska Soomaaliya iyo saraakiil kale.

Wafdigan la weeraray oo uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha gudaha ayaa waxay u tageen degmada Marko sidii loo adkeyn lahaa ammaanka degmooyinka ay dowladdu kaga sugan tahay gobolkaas, inkastoo laba jeerar la weeraray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
12/3/2012 1:51 PM EST
Isniin, December 03, 2012(HOL): Safaaradda Soomaalida ee Shiinaha iyo dhammaan Ganacsatada iyo ardeyda soomaaliyeed ee ku nool dalka China ayaa si wada jir ah, tacsi ugu dirayo Ehelladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday marxuumka.

12/3/2012 1:29 PM EST
Isniin, December 03, 2012 (HOL) —Kulan ay maanta isugu yimaadeen golaha wasiiradda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayay uga doodeen arimo dhowr ah oo ay kamid tahay miinaasiyadda sanadda 2013.

12/3/2012 12:52 PM EST
Isniin, December 03, 2012 (HOL) —Ururka shaqaalaha aduunka ee (ILO) ayaa maanta tababar usoo xiray xubno katirsan maamulka gobolka banaadir.

12/3/2012 8:15 AM EST
Isniin, December 03, 2012 (HOL) — Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u yeeray wasiirka gaashaandhigga, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo wasiirradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan si ay u weydiiyaan su'aalo ku saabsan Xarigga wariyihiin BBC-da iyo kireyntii safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga.

12/3/2012 8:14 AM EST
Isniin, December 03, 2012 (HOL) — Goobjoogayaashii Caalamiga ahaa ee u kuurgaliyey qaabka doorashooyinka golaha deegaanku uga dhaceen Somaliland ayaa sheegay inay si nabadgalyo ah uga dhacday doorashaddu Somaliland, isla markaana dadku si weyn ugu soo baxeen codeynta, taas oo keentay inay ka bataan dadkii doorashooyinkii hore codeen jiray,kuwaas oo dadweynaha somaliland ku tilmaamay qaar u bislaaday dimuqraadiyada iyo usoo bixitaanka doorashooyinka.

12/3/2012 7:46 AM EST
Isniin, December 03, 2012 (HOL) — Roobab xooggan oo Sabtidii lasoo dhaafay ka da'ay magaalada Muqdisho ayaa burburiyay guryo ka sameysan cooshado oo ay ku noolaayeen barakacayaal deegaannadoodii uga soo tagay dagaallo iyo abaaro ku dhuftay sannadkii hore.

12/3/2012 7:27 AM EST
Isniin, December 03, 2012 (HOL) — Dibadbax lagu taageerayay amarkii isbaarada lagu qaadayay ee uu dhawaan bixiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka dhacay garoonka Koonis Istaadiyum ee magaalada Muqdisho.

12/3/2012 6:26 AM EST
Isniin, December 03, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xeer hoosaasyada uu baarlamaanka Soomaaliya ku shaqeyn doono afarta sano ee soo socota, iyadoo aanay jirin cid kasoo horjeesatay iyo cid ka aamustay.

12/3/2012 3:17 AM EST
Isniin, December 03, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan ka mid ah dhinacyadii dagaalku u dhexeeyay ayaa ku dhintay dagaal culus oo shalay gallinkiii dambe ku dhexmarya duleedka degmada Bardaale ee gobolka Bay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab.

12/3/2012 3:09 AM EST
Isniin, December 03, 2012 (HOL) — Danjiraha Jabuuti u jooga Soomaaliya, Dayib Dubad Rooble ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada ka socda dalka Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya lasoo dhameystiri doono toddobaadka soo socda.

12/3/2012 2:53 AM EST
Isniin, December 03, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka ee xukuumadda Soomaaliyeed, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in degmada Marko iyo deegannada kale ee gobolka Shabeellada hoose ay kaga sugan tahay dowladda Soomaaliya la geyn doono ciidammo suga ammaanka oo isugu jira booliis iyo nabad-sugid.

12/3/2012 2:26 AM EST
Isniin, December 03, 2012 (HOL) — Maxaabiis ku jirtay xabsiga degmada Baydhabo oo looga shakisnaa inay ka tirsan yihiin Al-shababa ayaa ka baxsay xalay xabsiga degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo mas'uuliyiinta gobolkaas ay u sheegeen warbaahinta inay socdaan baaritaanno ku aaddan qaabkii ay maxaabiistu ku baxsatay.

12/3/2012 2:15 AM EST
Isniin, December 03, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta codka u qaadaan xeer hoosaadyada ay ku shaqeynayaan muddada uu baarlamaankan jiray oo afar sano ah, iyadoo horay ay mudanayaashu uga doodeen xeerkan.