4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 3 , 2012
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia oo sheegay in ciidammo Ammaanka suga la geynayo Gobolka Shabeellada Hoose
Isniin, December 03, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka ee xukuumadda Soomaaliyeed, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in degmada Marko iyo deegannada kale ee gobolka Shabeellada hoose ay kaga sugan tahay dowladda Soomaaliya la geyn doono ciidammo suga ammaanka oo isugu jira booliis iyo nabad-sugid.

Wasiirka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan degmada Marko ayaa waxay la kulmeen waxgaradka iyo mas'uuliyiinta maamulka gobolkaas iyagoo kala hadlay sidii lagu xoojin lahaa ammaanka degamda Marko iyo degmooyinka kale ee ay dowladdu kaga sugan tahay gobolkaas.

"Kulanka dhexmaray wasiirka iyo maamulka gobolka wuxuu salka ku hayay sidii loo xoojin lahaa ammaanka degmada Marko iyo degmooyinka kale ee gobolkaas ay kaga sugan tahay dowladda," ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka ee gobolka Shabeellada hoose, Axmed Cumar Mudane oo ka warbixinayay kulankii ay la yeesheen wasiirka iyo xubnaha la socda.

Degmada Marko oo 90-km dhinaca Koonfureed kaga beegan Muqdisho ayaa ka mid ah degmooyinkii ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka qabsadeen sannadkan Al-shabaab, iyadoo sidoo kale ay ciidamada isbahaysanaya ay qabsadeen Afgooye iyo Wanlaweyn oo ay Al-shabaab ka talinaysay mudod sannado ah.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabneellada hoose oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in wasiirka iyo mas'uuliyiinta gobolka ay isla garteen in degmooyinka ay dowladdu kaga sugan tahay gobolka la geeyo ciidammo isugu jira nabad-sugid iyo booliis si ay u sugaan ammaanka.

"Rajo weyn ayaan ka qabnaa in degmooyinka weli ku jira gacanta Al-shabaab aan kala wareegno, si loo geeyo ciidammo nabad-sugid iyo booliis isugu jira," ayuu yiri Axmed Mudane oo xusay in maamulkooda uu ka go'an yahay xaqiijinta ammaanka gobolka Shabeellada hoose oo dhan.

Wasiirka arrimaha gudaha oo shalay gaaray degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada hoose ayaa lagu wareeray inta u dhexeysa degmadaas iyo deegaanka Shalaanbood oo 10-km u jira, iyadoo aanay jirin khasaare soo gaartay wafdiga uu hoggaaminayay wasiirka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya