4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 28, 2012
Kooxo hubeysan oo Sarkaal ka tirsan Booliiska Kenya ku dilay degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi-bari Kenya

Jimco, December 28, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari Kenya sarkaal ka tirsan ciidamada booliiska dalka Kenya, kaddib markii ay ku qaadeen weerar gaadmo ah.

Taliyaha booliiska gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, Philip Tuimur ayaa sheegay in kooxaha weerarka geystay ay uga shakisan yihiin inay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

“Sarkaalka waxaa lagu dhex-dilay gaarigiisa kaddib markii si gaadmo ah loogu furay rasaas,” ayuu yiri Tuimur oo intaas ku daray: “Kooxaha dilka geystay waxay ahaayeen afar ruux,waxaana uga shakisannahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo weerarro ku qaada saraakiisha ammaanka.”

Dableyda geystay dilka sarkaalka Kenyanka ah ayaa la sheegay inay la baxsadeen qori uu sarkaalku watay, iyadoo ciidammo kale oo gaarisa saarnaa ay ka baxsadeen goobta iyagoo nabad qaba.

Magaalada Mandheera ee dalka Kenya oo ku dhow xuduudda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay falal noocan oo kale, kuwaasoo saraakiisha Kenya ay ku eedeeyeen inay Al-shabaab ka dameyso.

Xarakada Al-shabaab ayaa horay ugu hanjabtay inay weerarro ka geysan doonto gudaha Kenya, inkastoo dilka sarkaalkan aysan weli sheegan, waxaana xarakada Al-shabaab ay weli ka talisaa deegaanno ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya