4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 27, 2012
Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo si Heer sare ah loogu soo Dhaweeyay Magaalada Kismaayo (SAWIRRO)

Khamiis, December 27, 2012 (HOL) —Wafdi ka socday dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose, iyadoona wafdiga ay si diiran degmadaasi ugu soo dhaweeyeen masuuliyiin katirsan maamulka KMG ee degmada Kismaayo.

Wafdigan oo ka socday xukuumadda iyo baarlamanka ayaa waxaa horkacayay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka mudane C/kariin xuseen Guuleed iyo wasiirka gaashaandhigga Mudane C/Xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi,, waxaana sidoo kale safarkooda ku wehlinayay xubno katirsan golaha baarlamanka Soomaaliya.

Wafdiga ayaa markii uu ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay madaxda ugu sareeysay ee maamulka KMG ee magaalada Kismaayo, iyagoona gudaha garoonka kulan kula qaatay madaxda ugu sareeysay ee hogaamineysa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskaambooni.

Masuuliyiintani ayaa kulankooda uga wada hadlay arimo la xiriira nabadgelyada iyo weliba howlgallada ka dhanka ah xoogagga Al-shabaab eek a socda gobolkaasi.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka oo kulanka kadib warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ujeedada booqashadiisa ay ahayd in ay u kuurgalaan xaaladda ammaanka ee degmada Kismaayo iyo weliba in ay kormeer ku sameeyaan ciidamada dowladda ee howlgalka ka wada gobollada Jubooyinka.

Sidoo kale gudoomiyaha maamulka KMG ee degmada Kismaayo Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe iyo gudoomiye ku xigeenka maamulkaasi Mudane Yaasiin Nuur Gaas Raadeer oo iyaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin booqashada wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya, waxayna sheegeen in ay isku afgarteen dhamaan arimihii ay kawada hadleen.

Wafdiga ayaa la filayaa in maalinta berito ah uu booqasho ku tago qeybaha kala duwan ee magaalada Kismaayo, sida dekedda iyo xerooyinka ciidamada ee ku yaal gudaha iyo daafaha magaalada.

Booqashada wafdigan ka socday dowladda Soomaaliya ee lagu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo ayaa kusoo beegmaya xilli 7-dii bishii aynu soo dhaafnay ee November garoonka magaalada Kismaayo dib looga celiyay diyaarad siday wafdi ka socday dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya