4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 27, 2012
Siminnaar ku saabsan sidii wax loo bedeli lahaa dhaqamada xun ee colaadaha laga dhaxlay oo Muqdisho lagu qbatay

Khamiis, December 27, 2012 (HOL) — Siminnaar ku saabsan sidii dhaqamada xunxun iyo colaadaha loogu bedeli lahaa dhaqanka nabadda iyo tubta toosan ayna ka qayb-qaadanayeen dhallinyaro isugu jirtay wiilal iyo gabdho ayaa lagu qabtay hoteelka Oriental ee magaalada Muqdisho.

Siminaarkaan oo ay soo qaban-qaabisay Hay'adda Somali Women Development Organisation ee loo yaqaan (SOWDO) isla markaasna ay gacan ka geysatay hay'adda Somali Intelectual Banadir Region Organisation oo xarunteedu tahay dalka Sweden ayna maal-gelisay hay'adda lagu magacaabo Forum SYD.

Tababarkan ayaa waxaa loogu talagalay in wax looga qabto dhibaatooyinkii 22-kii sano ee lasoo dhaafay ka dhashay dagaaladii sokeeye iyo colaadihii is daba-joogga ahaa ee raadka weyn ku yeeshay dhaqanka iyo nabadda Soomaaliya.

Madaxa hay'adda SOWDO, Faaduma Cabdullaahi Macallim Axmed oo khudbad ka jeedisay furitaankii seminaarka ayaa sheegtay in ujeeddada loo qatay siminnaarkan ay tahay sidii loo wacyigelin lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee isugu jira wiilal iyo gabdho ee dhaqankoodu ku doorsoomay dhibaatooyinkii dalka soo maray muddadii ay jireen dowlad la'aanta iyo colaadaha.


"Tababarkan wuxuu socon doonaa inta u dhexeysa 27-ka December 2012 illaa 02-da Jannaayo 2013-ka, waxaana loogu talogalay inuu ka kala dhaco magaalooyinka Muqdisho, Marka iyo Mudug si dhallinyarada looga wacyi-geliyo inay bedelaan wixii dhaqan-xumo ah oo ay ka dhaxleen colaadaha Soomaaliya ka dhacay, waxana u jeedinaynaa mahad-gaar ah hay'adihii gacanta ka gaystay iyo kuwii maal-geliyay siminnaarkan," ayay tiri Faadumo.

Sidoo kale, waxaa furitaanka siminaarka ka hadlay, Axmed Maxamed oo ah madaxa hay'adda Somali Intelectual Banadir Organisation oo fadhigeedu yahay Sweden, isagoo xusay in siminaarkaan ay soo billaabeen toban sano ka hor si wax looga qabto dhibaatooyinka ay keeneen dagaallada sokeeye sida xad-gudubyada, dilalka, kufsiga iyo ku-tumashada xuquuqda aadanaha, isagoo sheegay in siminaarka uu muuhimad ballaanran u leeyahay dhallinyarada.

Ugu dambeyn, madaxa hay'adda Somali Intelectual Banadir Organisation wuxuu xusay in tababarkan uu fursado shaqo u abuuri karo dhallinyarada si ay uga soo kabtaan dhibaatooyinkii gaaray 22-kii sano ee lasoo dhaafay; isla markaasna looga gudbi lahaa wadiiqooyinka xunxun si ay cagta u saaraan waddada nabadda kana qayb-qaataan dib u dhiska dalkooda.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya