4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 26, 2012
Guddiga Diiwaan-gelinta oo ku dhawaaqay Xisbiyadii Qaran ee u soo gudbay Xisbinimo iyo kuwii tartanka ku haray

Arbaco, December 26, 2012 (HOL) — Guddida Diiwaan-gelinta ururada iyo ansixinta asxaabta, ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay ururadda u gudbay xisbinimadda iyo ururada hadhay.

Xaflad si weyn loo agaasimay oo lagaga dhawaaqayey xisbiyada gudbay iyo kuwa hadhay, ayaa maanta lagu qabtay hoteel Maasnoor ee magaaladda Hargeysa, waxaana ay guddida diiwaangelinta ururadu sheegeen xisbiyada tobanka sanno ee soo socda doorashooyinka ka qaybgali doona oo ay noqdeen xisbiga KULMIYE, WADANI iyo UCID, halka ay buuxin waayeen shuruudihii laga rabay afar urur siyaasadeed oo ka qaybgalay tartankii doorashadda golaha deegaanka, kuwaas oo kala ah ururka UMMADDA, RAYS, XAQSOOR iyo DALSAN.

Saddexda urur ee ku guulaystay inay u gudbaan saddex xisbi qaran ayaa la gudoonsiiyey shahaadooyinkii ay ku noqonayeen xisbinimo dhab ah, halka qaar ururaddii hadhay ka tirsana la siiyey shahaaddo sharaf ay ku mutaysteen maamul wanaag iyo go’aan qaadasho ay la yimaadeen markii ay arkeen natiijaddii doorashooyinka in aanay u gudbin xisbiyo qaran.

" sidaad wada ogtihiin Jaran-jaro dheer ayaa la soo maray, waxaad ogtihiin in la diwaan geliyay 18 Urur, jaran jaradii labaad waxa ku soo baxay lix Urur iyo saddexdii Xisbi Qaran ee hore u jiray"ayuu yidhi afhayeenka guddida diiwaangelinta ururada iyo ansixinta asxaabta Xasan Macalin oo sharaxayey nidaamkii dheeraa ee ay ururadu ku kala hadhayeen.

"Xisbiga kulmiye wuxuu ka gudbay natiijadii ahayd 20% ee gobolada wadanka , sidaasinu xisbi Qaran ku noqday, Xisbiga Ucid ayaa isna buuxiyay tirada Boqolayda ee codadka Gobolada wadanka, Ururka wadani ayaa isna u gudbay Marxalada Xisbinimo, sida uu qeeyo Xeerka Doorashada ee Ansixinta Asxaabtu"ayuu hadalkiisii ku daray afhayeenku mar uu sharaxayey qaabkay usoo baxeen saddexdan xisbi ee usoo gudbay xisbiyo qaran.

Waxa kale oo uu tilmaamay inay afar urur siyaasadeed halkaasi ku hadheen, waxaana afartaasi kala yihiin "Ururrada Umadda, Dalsan, Rays iyo Xaqsoor uma soo gudbin Xisbiyo Qaran, waanay ku mahadsanyihiin tartankii ay ka soo qayb galeen".

Guddoomiyaha Guddida Diwaan-gelinta Ururada Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Cabdirisaaq-Ciyaale) ayaa xusay in doorashada bilaa diiwaangelinta ahi dalka khatar ku keenayso, isla marakana loo baahan yahay in doorashooyinka dambe loo sameeyo diiwaangelin in lagu galo.

Waxa iyaguna shahaado sharaf lagu gudooniiyey ururka DALSAN oo ay sheegeen inuu soo bandhigay wakhtigiid oorashadda nidaam wanaagsan, halka ururka UMMADANA lagu siiyey go’aankii uu ka qaatay natiijadda doorashooyinku markii ay soo baxeen oo uu muujiyey calool adayg iyo go’aan qaadasho dhab ah.

Dhanka kale, markii lagu dhawaaqay waxa mudahaarad ka sameeyey degmadda Axmed Dhagax taageerayaasha ururka XAQSOOR, haseyeeshee wax dhibaato ah kama dhalan mudaharaadkaasi, inkastoo ay xaafadaasi ay kala xidheen.

Si kastaba ha ahaatee, waxa shahaadooyinkii xisbinimo la siiyey saddex xisbi ee usoo gudbay xisbinimada, waxaana si fiican u kala miirantay xisbiyaddii, iyagoo intii hore ahaa ku meel gaadh, balse maanta wixii ka dambeeya si rasmi ah ay kaalintoodii u qaadan doonaan xisbiyada mucaaradka ah ee soo baxay, waxaana mudooyinkii u dambeeyey dalka aan ka jirin wax xisbi mucaarad ah, isla markaana sugayeen inay si rasmi ah u noqdaan xisbi dhab ah, maadaama oo xisbiyada iyo ururadda laftoodu uu tartan ka dhexeeyey oo mid waliba ku dadaalayey inuu noqdo xisbi dhab ah oo la siiyo shahaadada xisbinimo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland