4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 26, 2012
Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo Golaha Wakiiladda Faahfaahin ka siiyay Miisaaniyadda Sanadkan oo ka badan tii sannadkii hore

Arbaco, December 26, 2012 (HOL) — Wasiirka Maaliyadda Somaliland Mr:Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa maanta golaha wakiiladda u qaybiyey miisaaniyadda sanadkan 2013 oo uu sheegay inay tii sanadkii hore ka badan tahay 17%, isla markaana ay ku jirto mashaariic horumarineed oo dalka laga hirgalin doonno.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Mr: Samaale ayaa markii uu xildhibaanadda golaha wakiilada u qaybiyey buugaagta miisaaniyadda warbixin ku aadan qaabka uu usoo diyaariyey uga xog waramay golaha, waxaanu aad u amaanay shaqaalaha wasaarada maaliyadda oo uu sheegay inay dadaal dheer u galeen sidii ay u kordhin lahaayeen miisaaniyadda qaranka, isla markaana odoroskii miisaaniyadii sanadkii horana usoo wada xaroon lahayd.

Wasiirku waxa uu sheegay in odoroska miisaaniyadii sanadkii hore ay ahayd 106 milyan oo doolar ay ku guulaysteen inay usoo wada xarootoy, waxa kale oo uu sheegay in miisaaniyadda sanadkan ay tahay 125 milyan dollar, taas oo ay ka muuqato korodh ka badan tii hore.

Sidoo kale, wasiirku waxa uu sheegay in miisaaniyadda sanadkan ay ku soo dareen dalacsiinta ciidanka oo mushaharka lagu siin doono askari walba darajadiisa, taas oo lacag badan ku baxayso, waxa kale oo uu sheegay inay miisaaniyada ay ku jirto 1,500 oo shaqaale cusub ah oo ay wasaaraduhu qaadan doonaan si shaqo abuur loogu sameeyo dhalinyarada jaamacadaha ka soo baxda.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in mashaariicda horumarka ay ku jiraan dab-damisyo loo soo iibinayo magaalooyinka, waxa kale oo u jirta diiwaangelinta dadweynaha Somaliland si doorashooyinka dambe aanay u dhicin wax khalkhal ah, waxaana kharashka bixinaysa dawladda, waxa kale oo uu miisaaniyadan ku jirta lacagtii la siin jiray xisbiyada qaranka oo looga kordhin doono intii barigi hore qaadan jireen si xisbiyada loo kobciyo.

Intaas ka dib xildhibaanada ayaa soo jeediyey in su’aalo la waydiiyo wasiirka, balse waxa markii dambe la isla gartay in la soo akhriyo miisaaniyadda ka dibna maalinta sabtidda ah la iskugu yimaado golaha si wasiirka wax looga waydiiyo qaabka uu usoo diyaariyey miisaaniyada iyo wixii isbedel ah ee lagu samayn doono.

Si kastaba ha ahaatee, wasiirkan ayaa laga sugayey inuu mushaharka u kordhiyo shaqaalaha iyo ciidanka, maadama oo wasiirkii ka horeeyey u balanqaaday inuu shaqaalaha iyo ciidankaba u kordhin doono 300% mushaharka ay qaadan jireen, waxaanu sanadkii hore shaqaalaha iyo ciidanka u kordhiyey wasiirkii hore maaliyada Maxamed Xaashi 100%, waxaana u qorshaysnaa in sanad walba shaqaalaha wax loo kordhiyey, nasiib darase miisaaniyadii sanadkan kama muuqato wax mushahar kordhin ah.

Dadweynaha Somaliland ayaa wasiirkaasi hore ku xasuusta mudadii uu joogay dakhli korodhkii uu ku sameeyey, isagoo ugu yimid miisaaniyadda oo maraysa dhawr iyo afartan milyan, isla markaana laba sano gudahood uu ku gaadhsiiyey 106 milyan dollar, waxaanu shaqaalihii iyo ciidankii u kordhiyey mushaharkii, waxa kale oo uu bilaash ka dhigay dugsiyadii dhexe iyo hoose ee Somaliland, isago ku daray 1500 oo macalin oo shaqaale dawladeed ah, halka mashaariic badan oo xaga wadooyinka iyo cisbitaaladdaba wax weyn ka qabtay lacagna ugu daray miisaaniyadii sanadkii hore.

Haseyeeshee, wasiirkan laftiisa ayaa dadaal ugu jira sidii uu kor u qaadi lahaa dakhliga miisaaniyadda, inkastoo aanu wali gaadhsiin heerkii uu wasiirkii ka horeeyey gaadhsiiyey dakhli soo xareenta iyo korodhka ka muuqan jiray miisaaniyadda, isagoo inta badan wasiirkaasi ka faa’iidaysan jiray dhallinyarada cusub ee jaamcadaha ka soo qalinjabiyey, kuwaas oo sabab u ahaa inay miisaaniyaddu sanad walba korodho.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland