4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 26, 2012
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay cafis u fidinayso dagaalyahannada kasoo goosta Xarakada Al-shabaab

Arbaco, December 26, 2012 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay caafis u fidinayso dhallinyarada kasoo goosta Ururka Al-shabaab, iyadoo dowladdu aysan sheegin muddo cayiman oo uu ku eg’yahay cafiska ay u fidinayso dagaalyahannada kasoo goosta Al-shabaab.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in hay’adaha dowladda oo dhan ay qabaan amar ah inay soo dhaweeeyaan cid walba oo kasoo goosata Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda iyo ciidamada caawinaya ee AMISOM iyo Itoobiya.

“Dowladdu cafis ayay idiin fidisay, waa inaad cafiskaas ka faa’iideysataan, haddii kale maalin aan maanta ahayn ayaad ka shalleyn doontaan waqtiga idinka lumaya,” ayuu yiri Jen. Diini.

Taliyaha ayaa hadlkan ka sheegay deegaan ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose oo ay ciidamada dowladdu la wareegeen shalay oo Talaado ahayd, iyadoo saraakiisha dowalddu ay sheegeen in goobtaas laga soo abaabuli jiray weerarrada lagu soo qaado Muqdisho.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka dowladda Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in deegaanka lala wareegay oo lagu magacaabo Saqiirro ay joogi doonaan ciidammo ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM is ay ammanka u sugaan, ugana hortagaan weerarro lagu soo qaado Muqdisho.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay inay cafis u fidisay xoogagga ka tirsan Al-shabaab, waxaana tallaabadan ay imaanaysaa xilli dowladdu ay dadaal weyn ugu jirto sugidda ammaanka guud ee Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya