4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 25, 2012
Mudaaharaad looga Horjeedo Muddo Kororsiga Madaxweynaha Puntland oo Maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

Talaado, December 25, 2012 (HOL) — Dadweyne fara badan oo ay ku jireen arday ayaa maanta dibadbax ay uga soo horjeedaan muddo kororsiga madaxweynaha Puntland ka dhigay degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ku qaylinayay erayo ay uga soo horjeedaan muddo kororsiga xukuumadda.

Mudaaharaadyaasha ayaa waxay ku qaylinayeen erayo ay ka mid yihiin inaan la burburin Puntland, waxayna ugu baaqeen madaxweynaha iyo maamulka Puntland ee xilka haya inay ogolaadaan doorasho ama ay banneeyaan kuraasta maamulka.

“Waqtigiinii wuu dhamaaday ee na-dhaafa... Puntland gacantiina yeysan ku bur-burin... nabadoonno la xiro xal maaha ee waa xiisad abuur iyo erayo kale," ayay ku dhawaaqayeen dadweynihii dibadbaxa dhigayay.

Dibadbaxa maanta ayaa wuxuu daba socday dibadbax rabashado watay oo shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, balse mudaaharaadka maanta wuu ka duwanaa kii shalay iyadoo dadweynuhu ay si nabadgalyo ah ku marayeen waddooyinka.

“Ma doonayno baarlamaan aboor ah oo waqtigiisii dhamaaday, ma doonayno nidaam kala talisnimo ah, ma doonayno xukuumad ayax ah, waana in xukuumaddu ogolaato in lawada tashado," ayuu dibadbaxa ka sheegay Abwaan Cabdullaahi Faarax oo si weyn looga yaqaanno Gaalkacyo, kana mid ahaa dadkii dibadbaxa dhigayay.


Dadweynaha dibadbaxa dhigayay oo ay ku jireen haween iyo rag waayeel ah ayaa waxay u muuqdeen kuwo hal mowqif ka taagan xilli kororsiga maamulka Puntland ee uu horseedka u yahay madaxweyne C/raxmaan Maxamed Faroole.

Ma jirin ciidamo boolis ah oo ilaalinaya dibadbaxa, iyadoo dadka dibadbaxa dhigayay ay ada ugu riyaaqeen in si nabadgalyo ah ay ku wataan dibadbaxooda, iyadoo ay dadku wateen boorar ay ku sawiran yihiin nabaddoonno lagu xirxiray magaalada Garoowe, kuwaasoo ay codsanayeen in lasii daayo.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya