4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 25, 2012
Al-shabaab oo sheegtay in ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ay ku Fashilmeen Sugidda Amniga Muqdisho

Talaado, December 25, 2012 (HOL) —Xarakada Al-shabaab ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom ay ku fashilmeen sugidda amniga magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ee xarakada Al-shabaab Sheekh Cali Max’ed Xuseen (Cali Jabal) oo ka hadlay idaacadda ku hadasha afka Al-shabaab ee Andalus ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku fashilmeen sugidda amniga xarumahooda muhiimka ah ee ku yaal magaalada Muqdisho.

Masuulkani ayaa sheegay in howlgallada ay ka fuliyaan Muqdisho ay yihiin kuwo xooggan islamarkaasina ay gudaha magaalada Muqdisho ka geysteen weerarro ay la beegsanayaan xarumaha dowladda iyo dilal qorsheysan oo ay u geysanayaan saraakiisha ciidamada dowladda.

"Villa Soomaaliya lagama hurdo, madaafiicda mujaahidiinta ayaa ku dhacda, cadawguna waa ku fashilmay Muqdisho,” ayuu masuulkani hadalkiisii raaciyay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamadooda ay ku guuleysteen in ay madaafiic la beegsadaan xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, arintaasoo uu xusay in ay cadeyn u tahay awooda ay ciidamadooda ku leeyihiin Muqdisho.

Hadalkan kasoo yeeray gudoomiyaha gobolka banaadir ee xarakada Al-shabaab ayaa kusoo beegmaya xilli habeenimadii jimcihii aynu soo dhaafnay ay xoogagga Al-shabaab madaafiic ku garaaceen nawaaxiga xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya