3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 24, 2012
Kulan ay Xidhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ku yeesheen Xaruntooda Muqdisho oo kusoo dhamaaday Natiijo la'aan
Isniin, December 24, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa si weyn ugu kala aragti duwanaaday miisaaniyadda ay xukuumaddu ku shaqeynayso sannadka 2013, iyadoo xildhibaannadii hadlay qaarkood ay sheegeen inaan la faah-faahin miisaaniyadda.

Miisaaniyaddan oo cadadkeedu yahay $103.893,092 (In ka badan boqol iyo saddex milyan oo dollarka Mareykanka ah) ayay xildhibaanadu sheegeen inaan lagu caddeyn mushaaraadka ciidamada dowladda iyo kharashaadka ku baxaya xafiisyada madaxda dowladda.

Wasiirka maaliyadda, qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah, Maxamuud Xasan Sulyemaan ayaa su'aalo lagu weydiiyay kuanka maanta oo ay soo xaadireen 156 mudane oo ka mid ah 275 xildhibaan ee uu baarlamaanku ka kooban yahay.

Doodo badan kaddib ayaa wuxuu kulanku isku bedelay buuq iyo sawaxan, iyadoo ay xidhibaannada qaarkood ku qalinayeen erayo ay ku dalbanayaan in dib u habeyn lagu sameeyo miisaaniyadda ay xukuumaddu ku shaqeynayso sannadka 2013-ka.

Xildhibaannada qaarkood ayaa waxay dalbadeen in la yareeyo safaaradaha ay Soomaaliya ku leedahay dalalka calaamka, sidoo kalena waxay codsadeen in aad loo yareeyo kharashaadka ku baxa xafiisyada madaxda dowladda Soomaaliya, iyagoo ku taliyaya in kharashkasa loo adeegsado sugidda ammaanka.

Ugu dambeyn, waxaa kulanka soo xiray guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya, Jeylaani Nuur Iikar oo sheegay in xidhibaannadu ay berrito isku soo laabtaan si looga doodo mar kale miisaaniyadda ay xukuumaddu ku shaqeynayso sannadka soo socda.

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo xildhibaannnada baarlamaanku ay yeeshaan oo buuq ku dhammaada, tan iyo sidii loosoo magacaabay baarlamaanka federaalka Soomaaliya bishii Ogoosto ee sannadkan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
12/24/2012 6:58 AM EST
Isniin, December 24, 2012 (HOL) — Garab ka mid ah jabhadda ONLF ayaa sheegay Axaddii shalay inay raadinayaan sidii ay wadahadallo nabadeed ula furan lahaayeen dowladda Itoobiya oo muddo ka badan 30-sano ay dagaal kula jireen.

12/24/2012 3:03 AM EST
Isniin, December 24, 2012 (HOL) —Dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo xiisado dagaal ayaa lagu soo waramayaa in ay maanta ka taaganyihiin deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Kismaayo, halkaasoo ay ku suganyihiin xoogagga Al-shabaab.

12/24/2012 2:06 AM EST
Isniin, December 24, 2012 (HOL) — Shabakadda Accu-Weather oo ka faalloota saadaasha hawada oo saldhiggeedu yahay dalka Mareykanka ayaa shaacisay in gellinka dambe maanta oo Isniin ah ay duufaanno roobab wata ku dhufanayaan deegaanno ku yaalla bariga Soomaaliya.

12/24/2012 1:49 AM EST
Isniin, December 24, 2012 (HOL) — Waxaa xalay fiidkii xarunta maamulka Puntland ee Garoowe lagu toogtey sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliska, laguna magacaabi jirey Cabdilaahi Xuseen (Gaal-dile).

12/24/2012 1:31 AM EST
Isniin, December 24, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa saakay aroortii hore u dhoofay dalka Uganda, halkaasoo uu kula kulmi doono madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni.

12/24/2012 1:30 AM EST
Isniin, December 24, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed iyo taliyaha booliiska Soomaaliya, Jen. Shariif Sheekhunaa Maye oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa xalay booqday saldhigyo ku yaalla degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.