4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 24, 2012
Madaxweynaha Somalia iyo Wafdigii uu Hoggaaminayay ee ku sugnaa Dalka Kenya oo saakay u dhoofay Uganda
Isniin, December 24, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa saakay aroortii hore u dhoofay dalka Uganda, halkaasoo uu kula kulmi doono madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni.

Safarka madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliya xubno wasiirro ah oo ay ka mid yihiin: ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka wafaafinta iyo isgaarsiinta, C/llaahi Ciilmooge Xirsi iyo xubno kale.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inay u qorsehysan tahay inuu kala hadlo dhiggiisa dalka Uganda sidii loo xoojin lahaa howlgallada ay AMISOM kawaddo gudaha dalka Soomaaliya, maadaama ay ciidamada Uganda hoggaanka u hayaan howgalka hoos-taga Midowga Afrika ee Soomaaliya ka socda.

Socdaalkan oo aan la ogeyn inta maalmood ee uu qaadan doono ayaa noqonaya kii labaad oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tago dalka Uganda tan iyo markii xilka loo doortay bishii September ee sannadkan.

Madaxweynaha Soomaaiya ayaa intii uu ku sugnaa dalka Kenya wuxuu kulammo la qaatay madaxda dalkaas oo uu ugu horreeyo madaxweynaha, isagoo kala hadlay xiriirka labada dal iyo sidii lagu dhameyn lahaa muranka ku aaddan sidii maamul loogu sameyn lahaa Jubbooyinka.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa isagana lagu wadaa inuu booqdo magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda, isagoo kala hadli doona wasiirka gaashaandhigga dalkaas sidii loo xoojin lahaa howgallada looga horjeedo Al-shabaab.

Dowladda Uganda ayaa waxay dhowr bilood ka hor ku goodisay inay ciidamadeeda kala baxayso dalal ay ku jirto Soomaaliya kaddib markii ay ka caroodeen warbixin ay soo saareen guddi ka tirsan Qaramada Midoobay taasoo ku eedeysay xukuumadda Uganda inay taageeraan jabahadda M23 ee ka dagaalanta bariga dalka DR Congo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya