3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 24, 2012
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Booliiska oo kormeerro ku sameeyay Saldhigyo ku yaalla Magaalada Muqdisho
Isniin, December 24, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed iyo taliyaha booliiska Soomaaliya, Jen. Shariif Sheekhunaa Maye oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa xalay booqday saldhigyo ku yaalla degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Booqashadan ayuu wasiirku ku sheegay inay tahay mid ay ugu kuurgalayeen sida ay ku socdaan howlaha sugidda ammaanka xilliga habeenkii ah, iyagoo tahay saldhigyo ku yaalla degmooyinka Karaaan, Yaaqshiid, Wardhiigley iyo Howlwadaag.

"Waxaa billowday barnaamij lagu xoojinayo ammaanka magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qaybgalayaan dhammaan ciidamada ammaanka; waxaana kormeerka caawa uu hordhac u yahay barnaamijkaas, iyadoo diiradda la saarayo degmooyin si gaar ah loo xulay," ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha.

Sidoo kale. wasiirku wuxuu sheegay inay ka go'an tahay inay sugaan ammaanka magaalada Muqdisho oo dhan, isagoo sheegay in goobihii ay xalay kormeerka ku sameeyeen ay ku arkeen ciidammo diyaar u ah inay sugaan ammaanka xilliyada habeenkii ah.

"Howgalladu waa socon doonaan maalin iyo habeen, waana qorshe lagu adkeynayo ammaanka guud ee caasimadda," ayuu wasiirku hadalkiisa raaciyay, iyadoo ay tani noqonayso markii ugu horreysay oo uu wasiirka arrimaha gudaha, taliyaha booliiska iyo saraakiil kale ay kormeerro ku sameeyaan saldhigyada ku yaalla qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa tan iyo dabayaaqadii sannadkii hore 2011 oo ay isaga baxeen xoogaggii Al-shabaab ka dhacayay falal isugu jira dilal qorsheysan, qaraxyo iyo duqeymo ay inta badan mas'uuliyadooda sheegatay Al-shabaab oo ku adkeysanaysa inay weli xoogaggeedu ka howgalaan Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
12/24/2012 6:58 AM EST
Isniin, December 24, 2012 (HOL) — Garab ka mid ah jabhadda ONLF ayaa sheegay Axaddii shalay inay raadinayaan sidii ay wadahadallo nabadeed ula furan lahaayeen dowladda Itoobiya oo muddo ka badan 30-sano ay dagaal kula jireen.

12/24/2012 6:11 AM EST
Isniin, December 24, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa si weyn ugu kala aragti duwanaaday miisaaniyadda ay xukuumaddu ku shaqeynayso sannadka 2013, iyadoo xildhibaannadii hadlay qaarkood ay sheegeen inaan la faah-faahin miisaaniyadda.

12/24/2012 3:03 AM EST
Isniin, December 24, 2012 (HOL) —Dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo xiisado dagaal ayaa lagu soo waramayaa in ay maanta ka taaganyihiin deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Kismaayo, halkaasoo ay ku suganyihiin xoogagga Al-shabaab.

12/24/2012 2:06 AM EST
Isniin, December 24, 2012 (HOL) — Shabakadda Accu-Weather oo ka faalloota saadaasha hawada oo saldhiggeedu yahay dalka Mareykanka ayaa shaacisay in gellinka dambe maanta oo Isniin ah ay duufaanno roobab wata ku dhufanayaan deegaanno ku yaalla bariga Soomaaliya.

12/24/2012 1:49 AM EST
Isniin, December 24, 2012 (HOL) — Waxaa xalay fiidkii xarunta maamulka Puntland ee Garoowe lagu toogtey sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliska, laguna magacaabi jirey Cabdilaahi Xuseen (Gaal-dile).

12/24/2012 1:31 AM EST
Isniin, December 24, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa saakay aroortii hore u dhoofay dalka Uganda, halkaasoo uu kula kulmi doono madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni.