4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 23, 2012
Ciidamada Puntland oo xabsiga dhigay Nabaddoonno doonayay inay ka shiraan Marxalada ay Puntland ku sugan tahay

Axad, December 23, 2012 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa dhowr nabaddoon xabsiga dhigay, kuwaasoo qorsheynaya inay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ku qabtaan shir ay uga arrinsanayaan xaaladda ay Puntland marayso.

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa maanta xabsiga dhigay mid ka mid ah nabaddoonnada gobolka Mudug oo lagu magacaabo, Yaasiin C/samad iyadoo nabaddoonka ay ciidamadu xalay kala baxeen gurigiisa kaddib markii uu shalay oo Sabti ahayd la hadlay warbaahinta.

Nabaddoonnada la xiray ayaa intooda badan ah kuwo kasoo horjeeda xukuumadda C/raxmaan Maxamed Faroole oo qorsheynaysa inay hal sano ku kororsato xilliga ay xilka haynayso.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cabdi Xirsi Qarjab ayaa ka digay in magaalada Garoowe lagu qabto shir aysan ogeyn ama raalli ka ahayn dowladda Puntland.

Madaxweyne Faroole ayaa xilligan ku sugan yahay degmada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, wuxuuna kulammo la leeyahay wax-garadka kasoo jeeda gobolka Bari oo iyagu intooda badan kasoo horjeeda in maamulku uu sanad kale sii shaqeeyo.

Dhawaanahan ayaa waxaa Puntland ka taagnaa muran ku saabsan in maamulka hadda jira oo lasoo doortay sannadkii 2009 uu qorsheynayo inuu hal sano oo dheeraad ah ku kororsado muddada uu shaqeynayo taasoo siyaasiyiinta iyo waxgaradku ay si weyn uga soo horjeesteen.

Puntland ayaa dhawaan ku tallaabsatay nidaamka xisbiyada badna oo bedeli doona hannaankii hore ee maamulka uu ku dhisnaa kaasoo ku saleysnaa hab beeleed, waxaana madaxweynaha Puntland uu furtay xisbi uu ku galo doorashooyinka madaxnimo ee soo socoda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya