4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 23, 2012
Xildhibaannada Haweenka Soomaaliyeed oo uu Shir ugu soo Xirmay Magaalada Kampala ee Dalka Uganda

Axad, December 23, 2012 (HOL) — Shirkan oo ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda islamarkaasina ahaa mid xildhibaanada haweenka baarlamanka Soomaaliya ay ku doonayeen in ay ku sameystaan isbaheysi gaar ah oo ka shaqeeya danahooda ayaa waxa lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Shirkan oo socday mudo sedex maalmood ah ayaa waxa soo qabanqaabiyay madaxa  xafiiska jinsiyada ee AMISOM Maaneey Axmed iyo haween ka tirsan ciidamada AMISOM, waxaana sidoo kale fududeeyay haween Soomaaliyeed oo ay ku jirto Nafiso Santuur.

Haweenka xildhibaanada Soomaaliya ayaa siweyn uga doodayay sida ay lagama maarmaanka u tahay in haweenka katirsan baarlamanka Soomaaliya ay yeeshaan isbaheysi ay ku mideysanyihiin, kaasoo qeyb ka qaadan doona horumarinta haweenka Soomaaliyeed islamarkaasina raadin doona xuquuqda ay ku leeyihiin dowladda Soomaaliya.

Qaar katirsan haweenka xildhibaanada Soomaaliya oo shirka ka hadlay ayaa soo bandhigay waxyaalaha ay u baahanyihiin in laga caawiyo si ay isbaheysi u sameystaan, iyagoona sheegay in magaalada Muqdisho uu dhawaan ka dhici doono shirweyne ay kasoo qeybgali doonaan dhamaan haweenka xildhibaanada Soomaaliya.

Shirka ay yeesheen haweenka Soomaaliyeed ayaa waxa goobjoog ka ahaa gudoomiye kuxigeenka baarlamanka Soomaaliya Mahad Cawad C/dalla, kuxigeenka Midowga Afrika ee arimaha Soomaaliya Wafulu Wamunyinyi, madax sare oo katirsan dowladda Uganda iyo weliba xubno kasocday ururka xildhibaanada haweenka ee dalka Uganda.

Xildhibaanada haweenka Soomaaliya ayaa ka hadlay waxyaalaha ay qaban doonaan marka ay dhisaan isbaheysiga, waxayna sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ka codsan doonaan arimo dhowr ah oo ay kamid tahay:

  • In Tababarro loo sameeyo haweenka xildhibaanada ah
  • In ay jecelyihiin in ay arkaan in haweenka saamigii ay ku lahaayeen xukuumadda la siiyo taasoo ah 30%
  • In hay’adaha ammaanka sida booliska, nabadsugidda iyo ciidamada Militariga lagu daro haween.
  • In waxbarashada gabdhaha laga dhigo lacag la’aan islamarkaasina la caawiyo gabdhaha da’da yar ee garoobada ah.

Gabagabadii shirka ayaa waxa soo xiray ku xigeenka midowga Afrika ee arimaha Soomaaliya Wafuli Wamunyinyi iyo kuxigeenka afhayeenka baarlamanka Soomaaliya mudane Mahad Cawad C/dalla, waxayna sheegeen in shirkani yahay mid lagu guuleystay islamarkaasina doodo wanaagsan ay ku yeesheen haweenka xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya, waxayna sheegeen in la dhameystiri doono inta dhiman.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya