4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 23, 2012
Kulan looga hadlayay Ammaanka degmada Dayniile ee gobolka Banaadir oo ka Dhacay Gudaha Degmadaasi
Axad, December 23, 2012 (HOL) —Kulan looga hadlayay sidii wax looga qaban lahaa xaaladda ammaan ee degmada Dayniile ayaa gudaha degmadaasi maanta ku dhexmaray masuuliyiinta maamulka degmada iyo weliba saraakiisha dhanka ammaanka ee gobolka Banaadir.

Mudooyinkii u danbeeyay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir waxaa kusoo badanayay falalka amni darro ee ka dhaca iyadoona ay ugu danbeeysay in habeen hore madaafiic halkaasi laga soo tuuray ay ku dhaceen nawaaxiga xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale isla habeen hore ay gudaha degmadaasi israsaaseyn ku dhexmartay dagaalyahanno katirsan Al-shabaab iyo ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugan.

Gudoomiyaha degmada Dayniile Daahir Xasan Xuseen oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulanka maanta looga hadlayay sidii wax looga qaban lahaa ammaanka degmada Dayniile oo mudooyinkii u danbeeyay ay ka dhacayeen falal amni darro.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in maanta ay degmadaasi soo gaareen ciidamo katirsan kuwa militariga Soomaaliya, wuxuuna xusay in ay imika soconayaan howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka.

Masuulkani ayaa sheegay in ay jiraan kooxo ku labisan dareeska ciidamada dowladda oo aan la garanayn cid ay ka amar qaataan in ay falal amni darro ka geystaan gudaha degmadaasi.

“Kulanka maanta waxaa looga hadlayay sidii wax looga qaban lahaa dad maalintii ka geysta falal amaanka lid ku ah iyo kuwo nabad diid ah oo kusoo kordhaya degmada, howlkalkuna maanta ayuu bilaabanayaa waxaana rajeyneynaa in wax weyn iska badalaan degmada,” ayuu masuulkani hadalkiisii raaciyay.

Kulanka maanta oo ay ka qeybgaleen madax ka tirsan ciidamada booliska, kuwa nabadsugidda iyo militariga ayaa diiradda lagu saarayay sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka degmada dayniile ee gobolka banaadir.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya