3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 23, 2012
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Somalia oo safar shaqo ugu ambabaxay Dalalka Kenya iyo Uganda
Axad, December 23, 2012 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa maanta oo Axad safar shaqo ugu ambabaxay dalalka Kenya iyo Uganada oo ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya si uu ula kulmo wasiirrada difaaca dalalkaas.

C/xakiin Fiqi ayaa wuxuu maanta kula kulmi doonaa magaalada Nairobi dhiggiisa Kenya, Maxamed Yuusuf Xaaji iyagoo kawada hadli doona sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka amniga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo horumarin lahaa howlgallada ay ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ay kawadaan Jubbooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo.

“Ujeedada ugu muhiimsan ee safarkeyga waa inaan  wasiirrada gaashaandhigga Kenya iyo Uganda kala hadlo qaabkii ay ula jaanqaadi lahaayeen isbedelka cusub ee la doonayo in laga sameeyo ammaanka Soomaaliya iyo sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen in Al-shabaab iyo Al-qaacida laga saaro guud ahaan Soomaaliya,” ayuu wasiirka gaashaandhigga ku yiri warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiskiisa Muqdisho.

Wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa safarkiisa Kenya u dhoofi doona dalka Uganda si uu halkaas ugula kulmo dhiggiisa, Karisbas Kyonga wuxuuna kala hadli doonaa sidii loo kordhin lahaa loona dardar-gelin lahaa howlgalka ciidamada AMISOM iyo sidii ay isaga kaashaan lahaayeen adkeynta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Lama oga inta casho ee ay qaadan doonto booqashada wasiirka gaashaandhigga uu ku tagayo dalalka Uganda iyo Kenya, iyadoo wasiirka difaacu uu dhawaan safar uu ku tagay dalka Turkiga heshiis dhinaca milateriga ah uu kula soo galay dalkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
12/23/2012 1:33 PM EST
Axad, December 23, 2012 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa dhowr nabaddoon xabsiga dhigay, kuwaasoo qorsheynaya inay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ku qabtaan shir ay uga arrinsanayaan xaaladda ay Puntland marayso.

12/23/2012 12:54 PM EST
Axad, December 23, 2012 (HOL) — Isbaheysiga Nabadda Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray maanta eedeyn ugu jeediyay madaxweynaha Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inuusan dowladda Kenya kala hadlin arrimaha gobollada Jubbooyinka.

12/23/2012 12:54 PM EST
Axad, December 23, 2012 (HOL) — Golaha Wasiiradda Somaliland ayaa shalay ansixiyey Miisaaniyadda sanadka soo socda oo ay sheegeen inay ka badan tahay miisaaniyadii sanadkii hore.

12/23/2012 12:13 PM EST
Axad, December 23, 2012 (HOL) — Markabka MV-iceberg oo muddo 3 sano ku dhow ku jirey gacanta burcad-badeedka Soomaalida, islamarkaana ay labadii todobaad ee ugu danbeeyey ciidamada badda ee Puntland ku hareeraysnaayeen, ayaa maanta lagu guuleystey in lasoo furto.

12/23/2012 12:05 PM EST
Axad, December 23, 2012 (HOL) —Golaha Deegaanka ee magaalada Hargeysa oo maanta yeeshay kalfadhigoodii u horreeyay ayaa ku doortay maayarkii guddoomiyihii iyo guddoomiye ku xigeenkii Hargeysa.

12/23/2012 10:30 AM EST
Axad, December 23, 2012 (HOL) — Shirkan oo ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda islamarkaasina ahaa mid xildhibaanada haweenka baarlamanka Soomaaliya ay ku doonayeen in ay ku sameystaan isbaheysi gaar ah oo ka shaqeeya danahooda ayaa waxa lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

12/23/2012 8:23 AM EST
Axad, December, 23, 2012 (HOL) -- Wafdi ka socday hay’adaha samafalka caalamiga ah ee QM ayaa maanta booqday magaalada Baladweyne, iyaga oo sheegay in ay siweyn u daneynayaan sidii ay xafiisyo uga furan lahaayeen magaalada.

12/23/2012 6:04 AM EST
Axad, December 23, 2012 (HOL) —Kulan looga hadlayay sidii wax looga qaban lahaa xaaladda ammaan ee degmada Dayniile ayaa gudaha degmadaasi maanta ku dhexmaray masuuliyiinta maamulka degmada iyo weliba saraakiisha dhanka ammaanka ee gobolka Banaadir.

12/23/2012 3:37 AM EST
Axad, December 23, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno deegaanka Buulogaduud oo qiyaastii 30KM dhanka waqooyi uga began magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in saaka xaaladda deegaankaasi ay tahay mid dagan, wallow ay xalay ka dhaceen duqeymo culus oo ay is weeydaarsanayeen ciidamada huwanta ah iyo Al-shabaab.

12/23/2012 1:57 AM EST
Axad, December 23, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku tagay dalka Kenya ayaa shalay gallinkii dambe kulan la yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Nairobi, isagoo ku boorriyay inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka ee Kenya si loo sugo ammaanka.

12/23/2012 1:57 AM EST
Axad, December 23, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha dalka Kenya, Raila Odinga ayaa magacaabay Ibraahim Axmed Rashiid la-taliyihiisa dhinaca siyaasadda ee arrimaha Soomaaliya, isagoo sheegay in xaaladda Soomaaliya ay tahay midda ugu adag xilligan gobolka.