4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 23, 2012
Ra'iisul Wasaaraha Kenya oo la-taliyihiisa arrimaha siyaasadda Soomaaliya u magacaabay Mas'uul Soomaali ah
Axad, December 23, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha dalka Kenya, Raila Odinga ayaa magacaabay Ibraahim Axmed Rashiid la-taliyihiisa dhinaca siyaasadda ee arrimaha Soomaaliya, isagoo sheegay in xaaladda Soomaaliya ay tahay midda ugu adag xilligan gobolka.

Odinga ayaa sheegay in magacaabista la taliyahan ay u fududeyso inuu si dhow ula socdo isbedellada siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya, iyadoo la taliyaha uu xilkan u magacabay uu ka tirsan yahay xisbiga uu hoggaamiyo Odinga ee ODM.

"Ibraahim waa mas'uu si wanaagsan ula socda arrimaha Soomaaliya taas ayaana keentay inaan u magacaabo xilkan," ayuu Odinga ku sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa oo lagu magcaabay la-taliyaha.

Dalka Kenya ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan kumannaan askari oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyagoo ku sugan deegaanno ka tirsan Koonfurta Soomaaliya oo ay ku jirto magaalada Kismaayo oo saldhig weyn u ahayd Al-shabaab.

Xukuumadda Kenya ayaa waxay u muuqataa mid xilligan si dhab ah ugu soo jeesatay arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya, kaddib 20-sano oo ay dibad-joog ka ahayd, waxaana magacaabista la taliyahan ay imaanaysaa xilli uu madaxweyne Xasan Sheekh booqasho rasmi ah ku joogo dalka Kenya.

Dhanka kale, Kenya ayaa waxaa sannadka soo socda ka dhacaya doorashada madaxnimo ee dalkaas, iyadoo siyaasiyiinta dalkaas ay ku tartamayaan sidii ay ku heli lahaayeen codadkooda, waxaana dadka codeynaya ka mid ah Soomaalida ku nool dalkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya