3/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 2 , 2012
Faahfaahin ku Saabsan Booqashadii Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti ee Magaalada Baladweyne

Axad, December, 02, 2012 (HOL) --  Wafdi uu horkacayay wasiirrka wasaarrrada  gaashaandhiga dalka Jabuuti C/qaadir Max’ed Kaamil  ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.
 
Wafdiga oo sidoo kale safarkiisa ay wehlinayeen abaanduulaha ciidamada qaranka Jabuuti Jen Sakariye Shiikh Ibraahim iyo taliyaha nabad-sugida dalkaas Xassan Saciid ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne ku soo  dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan oo uu horkacayo guddoomiyaha gobollka C/fitaax Xassan Afrax.
 
Wasiirrka iyo xubnaha wafdiga ee la socday ayaa markii ay ka soo degaan garoonka booqday xarunta ciidamada Jabuuti ee AMISOM ay ka degan yihiin magaalada iyo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu tababar uga socdo dulleedka magaalada.
 
Intaa kadib xubnaha wafdiga waxaa ay u soo dhaqaaqeen gudaha magaalada oo uu socod lugta ah ku maray wasiirka gaashaandhiga Jabuuti C/qaadir Max’ed Kaamil iyo saraakiisha safarkiisa ku wehlisay xilli uu bar-bar socday gudoomiyaha gobolka Hiiraan.
 
Goobaha ganacsiga magaalada ayaa furnaa dadkuna si caadi ah ayeey isaga ganacsanayeen waqtiga uu magaalada ku dhex lugeynayay wasiirka, tasoo u muuqata calaamad ugu yaraan muujineysa amniga ka jira magaalada.
 
Meelaha uu booqday wasiirka ayaa waxaa ka mid ah xarunta maamulka gobollka, tan degmada, xaruntii hore ee boostada, xaruntii bankiga gobollka, xeradii ciidamadii militariga ee Lama-galaay, Idaacada ku hadasha afka maamulka gobollka Hiiraan, iyo wabiga Shabeelle oo uu soo eegay sida uu magaalada u dhaxmaro.
 
Wasiirrka gaashaandhiga Jabuuti C/qaadir Max’ed Kaamil oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in ujeedada socdaalkiisa ay tahay sidii ay dhiiri-galin ugu sameyn lahaayeen howlgalka ciidamada Jabuuti ay ka wadaan gobollka Hiiraan iyo waliba u kuur-galid la xiriirta sida ay u socdaan howlaha nabad ilaalinta ciidamada.
 
Waxaa uu sheegay in nabad-galyada magaalada Baladweyne iyo guud ahaan gobollka Hiiraan marnaba gor-gortan la galin karin loona baahan yahay sida uu hadalka u dhigay in gacan bir ah lagu qabto.


 
Guddoomiyaha gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo warbaahinta la hadllay waxaa uu sheegay in wafdigan uu noqonayo mudo 20 sano ah kadib kii ugu horeeyay ee soo gaaray magaalada Baladweyne, waxaana uu sheegay in ay ka wada hadleen sida mustaqbalka gobollka Hiiraan.
 
‘’Waxaa kaloo aan isla soo qaadnay wasiirrka, islamarkaana uu inoo  xaqiijiyay in la soo kordhin doono tirada ciidamada hadda ka jooga Jabuuti magaalada Baladweyn si loo xoojiyo howlgalada lagu xaqiijinayo amniga," ayuu  yiri guddoomiyaha gobollka Hiiraan.

Guddoomiyaha gobollka Hiiraan ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay in safar labo cisho qaadanaya uu ugu anbabaxayo maanta dalka Jabuuti, isaga oo sheegay in uu kala soo hadlli doono mas'uuliyiinta dalkaas arrimo la xiriira howlgallada ciidamada ay ka wadaan gobollka..

Wafdigan maanta gaaray magaalada Baladweyne ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo madax sare oo katirsan dowladda jabuuti ay ku tagaan magaalada Baladweyne kadib bur-burkii dowladdii dhexe ee dalka, waana qeyb ka mid ah qorshaha lagu dardargalinayo howlgalka ciidamada midowgga Africa AMISOM ay ka wadaan gudaha dalka Soomaailya.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya.













Click here
12/2/2012 5:56 AM EST
Axad, December 02, 2012 (HOL) — Hay’ada la dagaalanka cudurka halista ah ee HIV/AIDS ee Somaliland ayaa ka warbixisay halka uu dalka ka marayo cudurkaasi iyo xakameenta ay ku sameeyeen fiditaanka cudurkaasi.

12/2/2012 5:52 AM EST
Axad, December 02, 2012 (HOL) — Wararka saakay laga hellayo deegaanka Mareer ee gobollka Galguduud oo maalintii shalay dagaal culus ku dhaxmaray labo maleeshiyo beelleed oo ku wada dhaqan deegaannka, ayaa sheegaya in saakay ay ka jirto xaalad degnaasho.

12/2/2012 5:15 AM EST
Axad, December, 02, 2012 (HOL) --Wafdi uu horkacayo wasiirka gaashaandhigga dowladda Jabuuti Mudane C/kariin Max’ed Kaamil ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

12/2/2012 4:19 AM EST
Axad, December, 02, 2012 (HOL) --Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saaka howgallo ballaaran ka fuliyay wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, iyadoona howlgalladaasi ay ciidamadu kusoo qabqabteen dad badan.

12/2/2012 4:06 AM EST
Axad, December, 02, 2012 (HOL) -- Maalintii Khamiista bishuna ahayd 29/11/2012 ayay Hiiraan Online u suurto gashay in ay booqato xarunta laga maamulo howlgalka ka dhanka ah burcad badeedda xeebaha Soomaaliya.

12/2/2012 3:45 AM EST
Axad, December, 02, 2012 (HOL) -- Wararka saakay laga hellayo deegaanka Mareer ee gobollka Galguduud oo maalintii shalay dagaal culus ku dhaxmaray labo maleeshiyo beelleed oo ku wada dhaqan deegaannka, ayaa sheegaya in saakay ay ka jirto xaalad degnaasho.