4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 2 , 2012
Wafdi ka Socda Dalka Jabuuti oo Gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan


Axad, December, 02, 2012 (HOL) --Wafdi uu horkacayo wasiirka gaashaandhigga dowladda Jabuuti, Mudane C/kariin Max’ed Kaamil ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wasiirka ayaa safarkiisa waxa ku wehlinayay taliyaha nabad sugidda dalka Jabuuti, Mudane Xasan Siciid, abaanduulaha ciidamada dalkaasi, Mudane Sakariye Sheekh Ibraahim iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda Jabuuti.

Masuuliyiinta ayaa markii ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay, masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada Jabuuti ee ku sugan Beledweyne, odoyaal iyo waxgarad kale oo ku dhaqan magaalada Beledweyne.


Wafdigani ka socda dalka jabuuti ayaa loo gelbiyay saldhigga ay ciidamada Jabuuti ku leeyihiin duleedka magaalada Beledweyne.

Ilaa imika ma cadda ujeedada booqashada wafdigani, waxaana imika soconaya kulamo ay masuuliyiintani la yeelanayaa maamulka gobolka hiiraan, saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee ku sugan magaalada Beledweyne.

Haduu Alle qadaro wararkeena danbe ayaad uga bogan doontaan faahfaahinta booqashada wafdiga ka socda dalka jabuuti ee yimid magaalada Beledweyne.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya