3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 2 , 2012
Ciidamada Dowladda oo Howlgallo ka Sameeyay Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye

Axad, December, 02, 2012 (HOL) --Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saaka howgallo ballaaran ka fuliyay wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, iyadoona howlgalladaasi ay ciidamadu kusoo qabqabteen dad badan.

Howlgalladan ayaa ah kuwo looga hortagayo kooxo la sheegay in ay ku labistaan dharka ciidamada dowladda islamarkaasina lacago baad ah ka qaata gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho iyo Afgooye.

Sarkaal lagu magacaabo Axmed C/laahi oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in howgalladii saaka ay kusoo qabqabteen kooxo uu sheegay in ay ku labisnaayeen dharka ciidamada dowladda islamarkaasina doonayay in ay lacago baad ah ka qaataan gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho iyo Afgooye.

Masuulkani ayaa sheegay in xabsi loo taxaabay ragga ay soo qabqabteen, isagoona sheegay intaa ku daray in howlgalladu ay socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo ammaanka wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Howlgallada ay ciidamada dowladda ka sameeyeen wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa kusoo beegmaya xilli mudooyinkii u danbeeyay gaadiidleyda ka dhex shaqeysa labada magaalo ay ka cabanayeen kooxo soo qaata tuutaha ciidamada dowladda islamarkaasina lcago baad ah ka qaata gaadiidka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
12/2/2012 12:33 PM EST
Axad, December, 02, 2012 (HOL) -- Wafdi uu horkacayay wasiirrka wasaarrrada gaashaandhiga dalka Jabuuti C/qaadir Max’ed Kaamil ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

12/2/2012 5:56 AM EST
Axad, December 02, 2012 (HOL) — Hay’ada la dagaalanka cudurka halista ah ee HIV/AIDS ee Somaliland ayaa ka warbixisay halka uu dalka ka marayo cudurkaasi iyo xakameenta ay ku sameeyeen fiditaanka cudurkaasi.

12/2/2012 5:52 AM EST
Axad, December 02, 2012 (HOL) — Wararka saakay laga hellayo deegaanka Mareer ee gobollka Galguduud oo maalintii shalay dagaal culus ku dhaxmaray labo maleeshiyo beelleed oo ku wada dhaqan deegaannka, ayaa sheegaya in saakay ay ka jirto xaalad degnaasho.

12/2/2012 5:15 AM EST
Axad, December, 02, 2012 (HOL) --Wafdi uu horkacayo wasiirka gaashaandhigga dowladda Jabuuti Mudane C/kariin Max’ed Kaamil ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

12/2/2012 4:06 AM EST
Axad, December, 02, 2012 (HOL) -- Maalintii Khamiista bishuna ahayd 29/11/2012 ayay Hiiraan Online u suurto gashay in ay booqato xarunta laga maamulo howlgalka ka dhanka ah burcad badeedda xeebaha Soomaaliya.

12/2/2012 3:45 AM EST
Axad, December, 02, 2012 (HOL) -- Wararka saakay laga hellayo deegaanka Mareer ee gobollka Galguduud oo maalintii shalay dagaal culus ku dhaxmaray labo maleeshiyo beelleed oo ku wada dhaqan deegaannka, ayaa sheegaya in saakay ay ka jirto xaalad degnaasho.