3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 19, 2012
Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Bay oo ka gadooday Mushaar la'aan

Arbaco, December 19, 2012 (HOL) — Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo tiradooda lagu sheegay in ka badan boqol askari ayaa sameeyay gadood, kuwaasoo sheegay inaysan wax mushaaraad iyo xuquuq ah ka helin dowladda Soomaaliya muddo bilooyin ah.

Taliyaha booliiska gobolka Bay, Mahad C/raxmaan ayaa xaqiijiyay in ciidamadu ay sameeyeen gadood, wuxuuna sheegay inay ka cabanayaan xuquuq la'aan dhinaca dowladda Soomaaliya ah.

"Way jiraan in ciidammo ka tirsan kuwa dowladda ay sameeyeen gadood, waxay sheegayaan inay musharaaad iyo xuquuqo kale ka helin dowladda muddo toddoba bilood ah," ayuu yiri Col. Mahad.

Ciidamadan gadoodka sameeyay ayaa isbaaro dhigtay maanya-fuulka oo dhinaca bari kaga beegan degmada Baydhabo, waxaana saraakiisha hoggaaminaya ciidanka ay sheegeen inaysan ciidamadu helin wax daryeel ah, taasna ay keentay inay gadoodka sameeyaan.

Isbaarada ay ciidamadan dhigteen ayaa waxay gaadiidka kaga qaadanayaan lacago iyadoo tani ay dhabar-jab ku noqonayso howlaha ay dowladdu ku doonayso inay ku sugto ammaanka guud ee dalka, kuna dardar-geliso dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Tallaabada ay ku dhaqaaqeen ciidamadan ayaa kusoo beegmaya xilli uu wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya maalmo ka hor tagay degmada Garbahaarreey isagoo sheegay in ciidamada gobolkaas ku sugan loo billaabayo mushaar iyo inay helaan xuquuqdooda bil walba.

Gobolka Bay ayaa wuxuu ka mid yahay gobollada ay ciidamada dowladda iyo kuwa gacanta siinaya ee Itoobiya horumarka ka gareen tan iyo billowgii sannadkan, waxayna hadda gacnta ku hayaan afar degmo oo gobolka Bay ka tirsan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
12/19/2012 3:02 PM EST
Arboco, December 19, 2012 (HOL) - Kadib qaraxyo iyo weeraro is xigxigay oo ka dhacay xaafadda Islii ee ay Soomaalida ugu badan ka deggan tahay Nairobi caasimadda dalka Kenya ayaa waxay Hay'adda qaxootiga u qaabilsan qaramada midoobay ee UNHCR iyo dowladda Kenya ay isku waafaqeen in Qaxootiga Soomalaida ee ku sugan magaalooyinka kala duwan ee Kenya ay iska xaadiriyaan xeryaha Qaxootiga ee Kakuma ama Dadaab.

12/19/2012 8:33 AM EST
Arbaco, December 19, 2012 (HOL) — Markab la yiraahdo MV Daesan oo waddanka waqooyiga Kuuriya laga leeyahay oo 18-kii bishii hore ee November ay ciidamada badda Puntland kasoo qabteen meel dhowr iyo toban mayl u jirta Boosaaso xilli uu badda sibir (Shimiito) ku daadinayay ayaa lala baxsaday.

12/19/2012 8:19 AM EST
Arbaco, December 19, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku qaabilay madaxtooyada Soomaaliya ergayga gaarka ah ee Qaramada Middobay u qaabilsan arrimaah Soomaaliya danjire, Augustine Mahiga.

12/19/2012 8:05 AM EST
Arbaco, December 19, 2012 (HOL) — Dowladda Puntland ayaa si kulul uga jawaabtey eedeymo dhowr ah oo uu maanta u jeediyey Jen. Cabdullaahi Siciid Samatar oo ah siyaasi horay xilal kala duwan uga soo qabtay Puntland, dhowaanna shaaciyey in uu yahay musharrax u taagan xilka madaxweyne-nimada.

12/19/2012 8:01 AM EST
Arbaco, December 19, 2012 (HOL) — Hay'adda qoxootiga adduunka ee UNHCR ayaa sheegtay inay sii wadayso diiwaan-gelinta qoxootiga ku nool magaalooyinka Kenya, iyadoo dowladda Kenya ay dhawaan sheegtay inay xirtay xafiisyadii lagu diiwaan-gelin jiray qoxootiga.

12/19/2012 7:45 AM EST
Arbaco, December 19, 2012 (HOL) — Jen. Cabdilaahi Siciid Samatar oo ah siyaasi horay xilal kala duwan uga soo qabtay Puntland, dhawaanna sheegay inuu yahay musharrax u taagan xilka madaxtinimada ee Puntland ayaa waraysi uu maanta oo Arbaca ah bixiyay kaga hadlay arrimo badan.

12/19/2012 7:29 AM EST
Arbaco, December 19, 2012 (HOL) — Askari ka tirsan ciidamada dowladda Somalia ayaa baqonimadii maanta ku dhaawacay afaafka hore ee madaxtooyada sarkaal ka tirsanaa xarunta madaxtooyada, iyadoo askariga uu markiiba goobta ka baxsaday.

12/19/2012 7:05 AM EST
Arbaco, December 19, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan oo la sheegay inay wateen mootooyin ayaa maanta barqonimadii ku toogtay magaalada daarusalaam ganacsade Soomaali ah, iyagoo ka dhacay lacago fara badan oo uu watay.

12/19/2012 5:59 AM EST
Arbaco, December, 19, 2012 (HOL) – Xilli xaalado nolaleed oo aad u liita ay soo food saareen kumanaan qoysas ah oo bishii September ka barakacay fatahadii ku dhuftaay magaalada Baladweyne, ayaa dhinaca kale waxaa soo baxaya in la la lunsaday lacago malaayiin doolar ah oo ay hay’addaha safamalka ugu talagaleen in lagu kaalmeeyo dadka dhibaateysan.

12/19/2012 2:00 AM EST
Arbaco, December 19, 2012 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa amar ku siisay qoxootiga Soomaalida ah ee ku nool magaalooyinka Kenya inay dib ugu laabtaan xeryaha qoxootiga, gaar ahaan xeryaha adduunka ugu weyn ee Dhadhaab.