4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 17, 2012
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka Hadlay Munaasabad weyn oo lagu Xusayay Qoraalka Farta Soomaaliga
Isniin, December 17, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta ka hadlay munaasabad lagu xusayay sannadguuradii 40-aad ee kasoo wareegtay markii la qoray farta Soomaaliga, waxayna ku baaqeen in la xoojiyo horumarinta afka Soomaaliga.


Munaasabadda ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ka kala yimid dunida dacalladeeda kuwasaoo iyaguna hadallo guubaabo iyo dhiiri-gelin ah ka jeediyay munaasabaddan oo ka dhacday xarunta jaamacadda Jabuuti.

"Waa in la sameeyo manhaj mideysan oo ay wax ku bartaan caruurta Soomaaliyeed oo dhan, si afka uu noqdo mid ay Soomaalida oo dhan wax ku qori karaan waxna ku akhrin karaan," ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh ka sheegay munaasabadda isagoo intaas ku daray in manhajka mideysan uu wax weyn ka tarayo xoojinta afka hooyo.

Sidoo kale, madaxweynaha Jabuuti oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in qoraalka afka Soomaaliga uu jirtay 40-sano muddo dheerna dadaal loogu jiray sidii loo horumarin lahaa, isagoo ka dalbaday Soomaalida meel walba oo ay joogaan inay ku dadaalaan xoojinta iyo horumarinta afkooda.

"Afka Soomaaliga waxaa loo qaybiyaa May iyo Maxaa-tiri, dhammaantood waxaa la doonayaa in la horumariyo, waayo luuqaddan waa middii aan u dhalanay inaan sare u qaadnana sharafteenna ayaa ku jirta," ayuu yiri Geelle.

Aqoon-yahannadii ka hadlay munaasabadda ayaa iyaguna ku boorriyay madaxdii kulankaas kasoo qaybgalay oo uu ku jiray madaxweynaha Somaliland inay ka sinnaadaan xoojinta afka, ayna ku dadaalaan sidii deegaannada ay ka taliyaan uga noqon lahaayeen luuqadda koowaad ee dadku ku hadlo iyo midda lagu shaqeeyo.

Ugu dambeyn, waxaa lagu soo bandhigay munaasabadda Qaamuus af Soomaali ah kaasoo ay ku jiraan 40,000 oo eray, waxaana qaamuuskan uu noqonayaa kii ugu horreeyay oo baaxad weyn leh oo loo qoro dadka ku hadla afka Soomaaliga.

Kulan looga hadlayo xoojinta iyo horumarinta afka Soomaaliga ayaa shanta maalin ee soo socota ka socon doona dalka Jabuuti, waxaana kulankaas lagu wadaa inay kasoo baxaan qodobbo lagu horumarinayo afka hooyo.

Maxamede Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya