3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 17, 2012
Xuska Sanad-guuradii 40-aad ee kasoo Wareegtay qoraalka Afka Soomaaliga oo Maanta lagu qabanayo dalka Jabuuti

Isniin, December 17, 2012 (HOL) — Munaasabaddan oo ay ka qaybgalayaan madax uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, dublamaasiyiin ka socda dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa maanta ka furmaysa magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti.

Munaasabadda kaddib ayaa waxaa furamaya kulan socon doona muddo shan casho ah oo looga hadlayo horumarka iyo dib u dhaca uu sameeyay afka Soomaaliga tan iyo markii la qoray, waxaana sidoo kale lagu soo bandhigi doonaan munaasabadda buugaag ku qoran afka Soomaaliga.

Diyaargarowga furitaanka munaasabadda ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa magaalada Jabuuti oo dhan, iyadoo munaasabadda gabagabadeeda uu si rasmi ah u furi doono kulanka madaxweynaha dalka Jabuuti.

Kulankan looga hadlayo afka Soomaaliga ayaa waxaa soo qabanqaabisay ururka qorayaasha iyo hal-abuurka Soomaalida (Somali Speakng Pen), waxaana ka qaybgalaya xubno uu ka mid ahaa kuwii qaybta weyn ka qaatay qoraalka afka Soomaaliga 40-sano ka hor.

Afka Soomaaliga ayaa wuxuu ka mid yahay afafka Afrika ugu qadiimisan, isagoo sidoo kale ka mid ah afafka Afrika ee lagu shaqeeyo, waxaana afka Soomaaliga looga hadlaa dalalka ku yaalla geeska Afrika sida Soomaalia, Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya.

Inta uu socdo kulanka looga hadlayo qoraalka afka Soomaaliga ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonaa hal-ku-dhigyo ka tarjumaya horumarinta afka hooyo iyo sidoo kale sidii loo xoojin lahaa in afka uusan noqon mid luma, sida ku dhacday afaf badan oo Afrika looga hadli jiray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
12/17/2012 7:15 AM EST
Isniin, December 17, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) oo warbaahinta la hadlay kaddib kulan ay golaha wasiirradu ku yeesheen maanta xaruntooda Muqdisho ayaa ka hadlay sababihii keenay in wasaarad walba uu u magcaabo laba wasiir ku xigeen.

12/17/2012 7:01 AM EST
Isniin, December 17, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta ka hadlay munaasabad lagu xusayay sannadguuradii 40-aad ee kasoo wareegtay markii la qoray farta Soomaaliga, waxayna ku baaqeen in la xoojiyo horumarinta afka Soomaaliga.

12/17/2012 6:36 AM EST
Isniin, December 17, 2012 (HOL) — Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa maanta buuxiyay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi halkaasoo ay baaritaanno kawadaan, iyadoo la sheegay in ka badan 30-qof lagu qabqbatay baaritaannadaas.

12/17/2012 6:02 AM EST
Isniin, December 17, 2012 (HOL) — Bayaan kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee Al-shabaab maanta oo Isniin ah ayaa lagu sheegay in Cumar Xamaami oo loo yaqaan Abuu-Mansuur Al-Amriiki uusan matelin kuna hadli karin magaca dagaalyahannada ajnabiga ah ee ka barbar dagaalama xoogagga Al-shabaab, sidoo kalena aysan jirin jago uu ka hayo Al-shabaab.

12/17/2012 5:24 AM EST
Isniin, December 17, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa isgoyska Aadan Cadde oo ku dhow suuqa bakaaraha ee Muqdisho ku toogtay mid ka mid ah saraakiisha nabadsugidda dowladda Soomaaliya oo magaciisa lagu soo gaabiyay Afloow; iyadoo kooxaha dilka geystay ay u suurogashay inay si nabadgalyo ah uga baxsadaan halkaas.

12/17/2012 1:33 AM EST
Isniin, December 17, 2012 (HOL) — War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda amniga ee Puntland oo nuqul ka mid ahi uu soo gaarey shabakadda HOL ayaa lagu sheegay in ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen sahay ku socotay xoogagga Al-shabaab ee ku sugan buuraleyda Galgala ee gobolka Bari.

12/17/2012 1:30 AM EST
Isniin, December 17, 2012 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay laba qof oo kalena si xun ayay ugu dhaawacmeen saddex qarax oo xalay ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, iyadoo booliiska Kenya ay ku eedeeyeen weerarradaas inay ka dambeysay Al-shabaab.

12/17/2012 1:28 AM EST
Isniin, December 17, 2012 (HOL) — Fadhi ay baarlamaanka Puntland ku yeesheen magaalada Garoowe shalay oo Axad ahayd ayay ku meel-mariyeen labo xeer oo ay horay ugu soo gudbiyeen wasaaradaha caafimaadka iyo deegaanka. Xeerarkan oo uu goluhu in muddo ah ka doodayey ayaa kala ah xeerka mamnuucista ka ganacsiga iyo soo dejinta bacaha iyo xeerka furashada xarumaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay.