4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 15, 2012
Wafdi ka socday Hay’adaha Gargaarka ee Qarammada Midoobay oo Maanta Booqday Magaalada Baladweyne
Sabti, December 15, 2012 (HOL) — Wafdi ka socda hay’addaha samafalka QM ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan halkaasoo ay kulamo kula qaateen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha AMISOM.

Wafdiga oo qeybo badan isugu jiray ayaa kala hadlay dhinacyadii ay is arkeen arrimo quseeya nabad-galyada, iyo waliba sidii ay hay’addaha gargaarka u dardar-galin lahaayeen howlaha samafalka ee gobollka.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca nabad-galyada maamulka gobollka Hiiraan Axmed Cismaan C/dalla Inji oo kulanka kadib warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in wafdiga iyo mas’uuliyiin gobollka isla soo qaadeen dardargalinta howlaha samafalka.

"Dhowr jeer oo hore ayeey wafdiga soo booqdeen magaalada Baladweyne, laakiin hadda waxaa ay inoo sheegeen in ay u socdaan wax qabad, gaar ahaan waxaa ay balan-qaadeen in ay wax badan ka qaban doonaan arrimaha caafimaadka iyo waxbarashada, iyaga oo dayactir ku sameynaya dugsiyada bur bursan ee magaalada ayuu yiri,’’ ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka arrimaha nabad-galyada maamulka gobolka.

Wuxuu intaa ku darray Axmed Inji in wafdiga sidoo kale ay u balan-qaadeen in wixii xiliggan ka danbeeya talaabo muuqata la qaadayo, madaama ayuu yiri amniga magaalada uu yahay mid leysku haleyn karo.

Magaalada Baladweyne waxaa horay marar badan sidan oo kale u soo gaaray wafuud ka kala soctay hay’addo kala gadisan oo kuwa samafalka ah, kuwaasoo dhamaantood u kuur-galayay xaalada nabad-galyo iyo tan nolaleed ee ka jirta gobollka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya