4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 15, 2012
Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Guddi-hoosaadyo Baarlamaanka
Sabti, December 15, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay 15 guddi-hoosaad ee baarlamaanka kuwaasoo howshoodu noqon doonto la xisaabtanka hay'adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya ay ka kooban tahay.

Kulankii baarlamaanka ee maanta oo uu shir guddoominayay Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa mudanayaasha soo xaadiray ayaa tiradoodu ahayd 158 xubnood, waxaana 156 ka mid ah ay ogolaadeen guddiyada baarlamanaka, hal xidhibaan ayaa ka aamusay mid kalena wuu diiday.

"Guddiyadan waxaa dib u habeyn ku sameeyay guddi gaar ah oo loo saaray, iyadoo mudanayaasha baarlamaanku ay cod aqlabiyad ah ku ogolaadeen guddiyadan," ayuu yiri xildhibaan Cumar Isloow Maxamed oo ansixinta kaddib saxaafadda la hadlay.

Guddiga baarlamaanka ee maanta la ansixyay ayaa kala ah:

1. Guddiga xeer hoosaadka iyo anshaxa baarlamaanka
2. Guddiga dib u eegista iyo dhaqan-gelinta dastuurka
3. Guddiga cadaaladda, garsoorka, owqaafta iyo arrimaha diinta
4. Guddiga arrimaha gudaha, maamul goboleedyada iyo amaniga Qaranka
5. Guddiga xaqiiqo raadinta, dib u heshiisiinta iyo hanti isku celinta
6. Guddiga miisaaniyadda, qorsheynta iyo la xisaabtanka hay'adaha dowladda
7. Guddiga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah
8. Guddiga Difaaca
9. Guddiga xuquuqul insaanka, haweenka iyo bani'aadamnimada
10. Guddiga waxbarashada, shaqada iyo isboortiga
11. Guddgia horumarinta reer miyiga iyo xoolaha
12. Guddiga kheyraadka dabiiciga ah
13. Guddiga wafaafinta, wacyigelinta, dhaqanka iyo isgaarsiinta
14. Guddiga waddooyinka, dekedaha,. garoomada iyo tamarka
15. Guddiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo warshadaha

Sidoo kale, guddiyada la ansixiyay waxaa ka mid ah guddi joogto ah oo uu madax u yahay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo ay xubno ka yihiin ku xigeennadiisa, wuxuuna ka shaqeyn doonaan sidii guddiyadan ay howlahooda u dar-dar gelin lahaayeen.

Baarlamaanka Soomaaliya oo la sameeyay bishii Ogoosto ee sannadkan ayaa soo doortay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna sidoo kale ansixiyeen miisaaniyadda uu baarlamaanku ku shaqeynayo iyo xukuumadda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya