4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 15, 2012
Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo ay ka mid yihiin saraakiil ciidan oo gaaray Garbahaareey


Sabti, December 15, 2012 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Gabahaarey ee xarunta gobolka Gedo, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga uu wasiirku hoggaaminayo ayaa waxay ka kooban yihiin saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana booqashadooda lagu sheegay inay la xiriirto dar-dargelin howlaha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa gacanta siinaya ay kawadaan gobolkaas.

"Mas'uuliyiinta maamulka gobolka iyo kuwa degmada ayaa wafdiga si weyn ugu soo dhaweeyay degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, waxaana wasiirku uu la kulmi doonaa mas'uuliyiinta iyo waxgaradka degmadaas ku nool," ayuu yiri wariye ka mid ah kuwa la socda wafdiga.


Booqashadan oo aan la ogeyn inta casho ee ay qaadanayso ayaa waxay noqonaysaa tii labaada oo wasiirka gaashaandhigga uu ku tago deegaannada laga qabsaday Al-shabaab, isagoo dhawaan booqday degmada Jowhar oo maalmo ka hor ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab.

"Qorshaha wasaaradda gaashaandhigga waa in lasii wado dagaallada lagula jiro Al-shabaab inta dalka oo dhan laga saarayo," ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga oo ka warbixinayay howlaha horyaalla xukuumaddiisa, kaddib markii loo dhaarshay xilkan.

Degmada Garbahaarey ayaa waxay ka mid tahay dhowr degmo oo gobolka Gedo ka tirsan oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya kala wareegeen xoogaggii Al-shabaab ee ka talinayay sannad ka hor, waxaana socdaalkan uu kusoo beegmayaa xilli ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay la wareegeen shalay degmada Ufuroow oo ka tirsan gobolka Bay.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya