4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 15, 2012
Kenya oo sheegtay inay Joojinayso Diiwaan-gelinta Qoxootiga Somalida ayna dib u celinayso Qoxootiga Dhadhaab ku jira

Sabti, December 15, 2012 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaadday inay joojinayso diiwaan-gelinta qoxootiga Soomaalida, iyadoo sidoo kale sheegtay inay dib ugu celinayso Soomaaliya qoxootiga fara badan ee dalkeeda ku nool.

Saraakiil u hadlay Kenya ayaa sheegtay inay socdaan dadaallo lagu hirgelinayo in qoxootiga Soomaalida ah dib loogu celiyo dalkooda, iyagoo sheegay inay falkan uga jawaabayaan dilal iyo qaraxyo badan oo dalkooda ka dhacay.

Dalka Kenya ayaa waxaa ku yaalla xeryo qoxootiga ee adduunka ugu weyn kuwaas oo ay ku jiraan in ka badan nus malyuun qof oo Soomaali ah, kuwaasoo ka cararay colaadaha iyo abaaraha ka taagan Soomaaliya.

"Xukuumadda Kenya waxay go'aansatay inay qoxootiga Soomaalida ah ee ku nool Dhadhaab dib loogu celiyo Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada nabadoon ee laga saaray Al-shabaab," ayuu yiri sarkaal u hadlay dowladda Kenya.

Sidoo kale, sarkaalku wuxuu sheegay in Kenya ay mamnuucayso in dalkeeda lagu diiwaan-geliyo qoxooti ka yimaada Soomaalida, isagoo sheegay in hay'adda UNCHR ay kala kaashan doonaan joojinta diiwaangelinta qoxootiga Soomaalida.

Itoobiya iyo Kenya ayaa waxay ka mid yihiin dalalka ay galaan qoxootiga ugu badan ee Soomaalida ah ee dalkooda uga carara colaadaha iyo abaaraha soo laalaabtay, waxaana ku yaalla labadan dal xeryaha ugu waaweyn dunida ee ay ku jiraan dad qoxootig ah.

Madaxda dalka Kenya ayaa waxay dhowr jeer oo hore ku celceliyeen inay dib ugu celin doonaan qoxootiga Soomaalida dalkooda, inkastoo hay'adaha qoxootiga ay dhowr jeer oo hore diideen in tallaabadaas ay qaaddo Kenya.

Dalka Kenya ayaa wuxuu ciidammo badan u soo diray Soomaaliya sannadkii hore si ay ula dagaalamaan Al-shabaab, balse gudaha Kenya ayaa waxaa xilligaas si aad ah uga billowday qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay geysanayaan kooxo xiriir la leh Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya