4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 15, 2012
Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo si Nabad-galyo ah kula wareegay Degmada Ufuroow ee Gobolka Bay

Sabti, December 15, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Bay oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya ayaa si nabadgalyo ah kula wareegay degmada Ufuroow, taasoo noqonaysa degmadii afaraad oo ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay kaga sugan yihiin gobolkaas.

Guddoomiyaha gobolka Bay ee dowladda Soomaaliya, C/fitaax Ibraahim Maxamed (Geeseey) oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inaysan jirin wax dagaal ah oo ka dhacay degmadaas, ayna ciidamada dolwadda iyo kuwa Itoobiya wadaan sidii ay ku sugi lahaayeen ammaanka degmada.

"Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Itoobiya ayaa gallinkii dambe ee shalay si nabadgalyo ah kula wareegay degmada Ufuroow ee gobolka Bay, kaddib markii ay isaga baxeen xoogaggii Al-shabaab ee halkaas ku sugnaa," ayuu yiri guddoomiyaha Bay oo la hadlya saxaafadda.

Degmada Ufuroow awyaa waxay ka mid tahay degmooyinkii ay Al-shabaab dhowrkii sano ee ugu dambeeyay ka talinaysay, waxayna hadda ka mid noqotay degmooyin ka baxay gacanta Al-shabaab tan iyo markii uu sannadkan billowday.

Al-shabaab ayaan weli ka hadlin qabsashada degmada Ufuroow, waxaase dad ku sugan degmadaas ay sheegeen in xaaladdu ay tahay mid deggen, ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiyana ay ku sugan yihiin gudaha iyo daafaha degmadaas.

Gobolka Bay ayaa wuxuu ka mid yahay gobollada ay ciidamada Itoobiya gacanta ka geysanayso sidii Al-shabaab looga saari lahaa, iyadoo ciidamada Itoobiya aysan ka mid ahayn kuwa AMISOM ee ka socda dalalka dariska ah iyo kuwo kale oo Afrika ka tirsan.

Toddobaadkii hore ayay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika si nabadgalyo ah kula wareegeen degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe, kaddib markii ay isaga baxeen xoogaggii Al-shabaab oo muddo afar sano ah ka talinayay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya