4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 14, 2012
Hey’adda NONDO oo qabatay shir dadka curyaamada looga dalbanayo iney dhaq dhaqaaqyada siyaasadda ka qeyb qaataan

Nairobi, Kenya (HOL) - Hey’adda NONDO oo ka shaqeysa arrimaha dadka curyaamada ayaa maanta ku qabatey shir hotel-ka Ole Serena ee magaalada Nairobi.

Shirkan ayey hey’adda kaga dhawaaqeysay olole lagu dhaqaajinayo in dadka lixaadka la ay ka qeyb qaataan isbadalada doorashada ee haatan ka socda dalkan Kenya.

Harun M. Hassan oo ah madaxa hey’adda ayaa sheegay in dadka curyaamada ay kunool yihiin nolol aad u addag,  wax u qabashadoodana ay tahay mid iyaga ka baaxad weyn.
Dhanka kale, Harun wuxuu tilmaamey in dadka lixaadka la ay wax qaban karaan sida dad kale, gaar ahaan marka ay timaado hoggaaminta iyo jaangooyada siyaasadda.

Dr. Abdinasir Mohamed Kalif oo kamid ah hawl haweenada hey’addan ayaa ka dalbadey dadka Soomaaliyeed u gargaaridda dadka curyaamada, maadaama dadkan ay yihiin kuwo u baahan kaalmo.

Dr. Abdinasir ayaa ku nuux nuuxsadey in hey’adda ayan ku ekaan doonin oo kaliya Gobolka Waqooyi Bari ee dalkan Kenya, oo ay u gudbi doonaan dhanka dalka Soomaaliya, oo ay ka jirto baahi aad u balaaran oo dhanka wax u qabashada dadka curyaamada ah.

Hey’adda NONDO ayaa ka hawlgasha dhanka waqooyi bari ee dalkan Kenya, iyadoo si balaaran ugga shaqeysa wacyi galinta, iyo la dagaalanka fikradaha khaldan ee laga aaminsan yahay dadka curyaamada.

03-da December ayaa loo asteeyey sanad waliba in la qabto xuska maalinta dadka lixaadka la, xuskan waa lagu qabtay sanadkan Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Halku dhigga sanadkan ee maalinta Dadka Curyaamada, waxa uu ahaa baabi’inta caqabadaha kuhor gudban dadka lixaadka la, iyo ka dhigidda bulshada dhamaanteed kuwo u siman helitaanka waxyaabaha lagama maarmaanka u ah noloshooda.

Said Hassan Anteno 
[email protected]