4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 14, 2012
Musharaxiintii ka Tartamay Magaalada Hargeysa oo Guddiga Doorashooyinka ugu baaqay in codadkoodii dib loogu tiriyo
Jimco, December 14, 2012 (HOL) — In ka badan Konton Murashaxiintii ku hadhay Tartankii Doorashada Golaha Deegaanka ee Somaliland ee u tartamayey degmadda Hargeysa, ayaa si weyn u cambaareeyey Gudida Doorashooyinka Qaranka, iyagoo ku baaqay in la qanciyo oo codkoodii dib loo tiriyo si ay ugu samraan.

Xubanahani oo ka mid ahaa Murashaxiintii Ururada Siyaasada ugu qayb qaadayanayey Tartankii Doorashada ee Degmada Hargeysa ayaa waxay ay sheegeen in codkii ay heleen laga Musuq-maasuqay, isla marikaasina Doorashadii Laga shubtay, iyagoo sheegay in codad ay haystaan ee goobkasta ka haystaan iyo codadka la shaaciyey aanay isku dhaweyn.

“Halka qodob ee la isla fahmi laayahay waxa weeyi komishanka eray uu yidhi baa jiray oo anaga nagu mudan, eraygaasi wuxuu ahaa waxa lagu noqonayaa oo khalad ka dhacay goobo la libin laabay in degmada Hargeysa dib loogu noqdo, anagu hadii aanu degmada Hargeysa nahay waxaanu ka midaysanahay toddobadda ururba in komishanku dib ugu noqdo tirintii oo sida lacagta noogu tiriyo”ayuu ku dooday Axmed Mumin Dalmar oo ka sharaxnaa ururka XAQSOOR oo sheegay in dib loogu noqdo tirintii codadka si ay ugu samraan.

Maxamed Axmed Jaamac (Calooley) oo isna ka tirsan xildhibaanadda hadhaye ee cabanayey  oo ka tirsan ururka DALSAN ayaa isna yiri. “Anigu waxaan isku haystaa inaan ahaa kii Hargeysa ugu codka badnaa ma garan karo meel wax iska bedeleen, waxaan ahaa ninkii soo saaray khaladaadkii komishanku soo saareen haddii ay tahay tii Faroweyne iyo kuwii kale ee degmooyinka ka dhacay, anigu sidii aan u horeeyey ururka DALSAN uun baan saacadihii u dambeeyey number shanaad tagay, komishanku wuxuu yidhi waxbaa khaldamay oo la saxayaa cid la joogtayna ma jiraan, nimankii markii hore wax khalday inay yidhaahdaan dib baanu u saxaynaa nama qabato”, waxaanu intaas ku daray “waxa khaldamayna Faroweyne oo kaliya may ahayn ee  degmadda Sabawanaag baa khalad ku jiraa oo toddoba kun oo cod saayid ku yihiin, faroweyne ayaa khaldan oo saddex iyo toban cod dheeraad ku yihiin, degmadda June la yidhaa dhamaan waraaqihii dheeraadka ahaa laguma darin, Degmada Koodbuurna waraaqihii dheeraadka ahaa ee markii ay go’aan dib loo dalbaday kuma jirto, waa codadka la daadiyey, marka waxaanu codsanaynaa in dib loogu noqdo oo codka la noo tiriyo”,

"Waxaa jiray sanduuq aan leeyahay oo aan ka helay 238 cod, nin kale ayaa loo qoray codkaygii, aniga waxa la I siiyey hal cod, si walba waan u maray oo aan xaqaa iga maqan ku soo ceshan lahaa cid kasta ururada u joogtay waan la kulmay waxaan sixi kari waayey tirida codkayga ee ninka kale la siiyey ilaa hadda wuu iga maqan yahay, dumarka mushkiladda u gaar ah ayaa ku dhacday”ayey tidhi Yurub Abiib Cabdi, waxaanay intaas ku dartay “anagu waxaan is leeyahay dumarki tartamayey ta ugu codka badan ayaan ahaa, waxaan aad ugu mahad celinayaa dadka reer Hargeysa ee sida fiican codka ii siiyey oo gobolka Hargeysa goob aanan cod ka helini aanay jirin, meel eber la igaga qoray ma jirto, 24 musharax ee aan la tartamayey meelo eber laga siiyey ayaan anigu wax ka helayey, waxaan ogaaday oo guul ah in dadka reer Hargeysa cod ka heli karo oo mar labaad is sharaxi karo, sanduuqa 328 cod igaga maqan yihiin waa sanduuqa numbarkiisu yahay 231.5 ee degmada Faroweyne ee gaar ahaan goobta Badarmaan, waxa la yidhi degmadaasi waa lagu laban laabmay malaha raga ayaa loo libin laabayaa aniga hal cod la iguma darin”.

Cabdisalaan Maxamed Xasan oo isna ka sharaxnaa ururka UMMADDA ayaa isna ku dooday “horta waxa wax laga yaabo ah oo aan laga samri karin tartan baa la galay oo rag badani guryo dhan u iibiyey, doorashadii xalaasha ahaydna waxay isku bedeshay xulasho iyo xaaraan, dadkii lagu yidhi tartama ma waxa loogu bedelay in laga bililiqaysto”.

Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay musharaxiin badan oo tartankii ku guuldaraysatay, waxaanay guddida Doorashooyinka ugu baaqeen in la qanciyo  oo dib loogu noqdo codadkii degmadda Hargeysa.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland