3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 13, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan albaabbadu u xiran yihiin la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti

Khamiis, December 13, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Khamiis ah xarunta madaxtooyada Soomaaliya kulan albaabbadu u xiran yihiin kula qaatay, guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti, Idiris Aarnauut Cali oo booqasho ku jooga Muqdisho.

Kulankan oo aan la ogeyn wixii looga hadlay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, waxaa kaloo goobjoog ka ahaa danjiraha Jabuuti u fadhiya Soomaaliya.

"Dadka waa dadkiinnii ee dhex-gala oo la hadla," ayuu madaxweynaha Soomaaliya ku yiri wafdiga ka socday Jabuuti sida lagu sheegay warsaxaafadeed kulanka kaddib kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.


Warsaxaafadeedka kasoo baxay madaxtooyada lagu sheegay in madaxweynuhu uu wafdiga ka socda dalka Jabuuti si weyn ugu soo dhaweeyay xarunta madaxtooyada Soomaaliya oo uu kulanku ka dhacay.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya ayaa aad u ammaanay booqashadii uu ku tagay dalka Jabuuti, isagoo ka dhawaajiyay inay wada-shaqeyn doonaan labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti iyo wafdiga la socda ayaa waxay safar saddex maalmood ah ay ku yimaadeen shalay magaalada Muqdisho, iyagoo kulammo la qaatay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya











Click here
12/13/2012 8:50 AM EST
Khamiis, December 13, 2012 (HOL) — Kulan looga hadlay ammaanka iyo horumarinta gobolka Hiiraan oo uu ka qaybgalay ugaaska beesha Xawaadle, ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa maanta lagu qabtay hoteelka Ambassador ee magaalada Muqdisho.

12/13/2012 8:41 AM EST
Khamiis, December 13, 2012(HOL): Xuska 40 guurada far-soomaaliga ayaa lagu qaban doonaa magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti 17ka ilaa 22ka bishan Disambar ee 2012ka. Xuskan, oo noqon doona mid ballaadhan, waxa lagu martiqaaday madaxda Soomalida ee geeska Afrika.

12/13/2012 8:31 AM EST
Khamiis, December 13, 2012 (HOL) — Afhayeenka ururka raaskambooni, Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa sheegay in ammaanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose uu yahay mid ka wanaagsan sidii hore, isagoo xusay in dadkii horay uga barakacay magaaladaas ay dib ugu soo laabanayaan.

12/13/2012 8:12 AM EST
Khamiis, December 13, 2012 (HOL) — Guddomiyaha Urursiyaasadeedka Rays Mr; Xasan Maxmed Cali (Gaafaadhi), ayaa sheegay in aanu ku qanacsanayn Natiijada ay soo saareen guddida doorashooyinku, maadaama oo wax isdaba marin iyo musuqmaasuq badani uu hadheeyey, waxaanu ugu baaqay komishanka inay is casilaan mar haddii ay masuuliyadii ummadda u hayeen ka soo bixi waayeen.

12/13/2012 7:10 AM EST
Khamiis, December 13, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta dhameystiray xubnaha golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya, isagoo magacaabay shan wasiir u dowle iyo 20-wasiir ku xigeen.

12/13/2012 5:41 AM EST
Khamiis, December 13, 2012 (HOL) — Mukhtaar Xassan Maxamed oo 27-bishii November ee ina dhaaftay loosoo xiray ama loo qabtay dilka guddoomiyihii gollaha odayaasha dhaqanka gobollka Hiiraan Max’ed Shiikh Xusseen Maryacade ayaa qirty in uu galay danbiga loo soo xiray oo ah in uu ahaa shaqsigii gacantiisa ku toogtay guddoomiyaha.

12/13/2012 1:25 AM EST
Khamiis, December 13, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada xoogga Soomaaliya, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) ayaa sheegay inay ka go'an tahay inay isku furaan dhammaan gobollada Soomaaliya, kaddib markii isaga iyo saraakiil kale ay saxaafadda kula hadleen degmada Jowhar.

12/13/2012 1:08 AM EST
Khamiis, December 13, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaysan wax wadahadal ah la galayn Al-shabaab iyo Al-Qaacida inta ay hubka wataan, balse ciddii ka tanaasusha fikirkooda ayuu sheegay inay soo dhaweynayaan oo ay labada gacmood ku qaadayaan.

12/13/2012 1:04 AM EST
Khamiis, December 13, 2012 (HOL) — 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa xeebta degmada Garacad ee gobolka Mudug ka dhacay dagaallo khasaare dhaliyey oo dhex maray ciidamada badda ee Puntland iyo kooxo burcad-badeed ah.