4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 13, 2012
Eedeysane Qirtay inuu Dilay Guddoomiyihii Golaha Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan
Khamiis, December 13, 2012 (HOL) — Mukhtaar Xassan Maxamed oo 27-bishii November ee ina dhaaftay loosoo xiray ama loo qabtay dilka guddoomiyihii gollaha odayaasha dhaqanka gobollka Hiiraan Max’ed Shiikh Xusseen Maryacade ayaa qirty in uu galay danbiga loo soo xiray oo ah in uu ahaa shaqsigii gacantiisa ku toogtay guddoomiyaha.


"Anniga ayaa toogtay, labo xabadood ayaa ku dhuftay, aqoon uma laheyn anniga shaqsiga aan dillay laakiin qof ila socday oo howsha wax ka waday ayaa kor iga tusay, sidaa ayaan ku dillay, maalmo kooban ayaan magaalada joogay, waxaana leyga soo dirray degmada Buula-burte,’’ ayuu yiri Mukhtaar Xassan Max’ed oo hadda ku jira gacanta ciidamada maamulka gobollka Hiiraan iyo kuwa AMISOM.

Shaqsigan qirtay danbiga dilka ah ayaa la soo xiray wax yar uun ka dib markii uu bartamaha magalada ku toogtay guddoomiyihiin gollaha odayaasha dhaqanka gobollka Hiiraan bishii ina dhaaftay, iyadoo wixii xiligaa ka danbeeyay lagu waday baaritaanno iyo su’aalo la ku saabsan falka loo soo qabtay.

Taliyaha qeybta baliiska magaalada Baladweyne Col Isaaq Cali C/dulle ayaa sheegay in baaritaan dheer  kadib ay ogaadeen in Mukhaar uu yahay shaqsigii dilka geystay, ugu danbeytiina uu qirtay in uu danbigaas galay.

Waxaa uu sheegay Col Isaaq Cali C/dulle in mid ka mid ah taageerayaasha kooxda Al-shabaab oo ku noolaa magaalada Baladweyne uu hoy iyo gabaad intaba siiyay gacan ku dhiiglaha mudadii uu ku sugnaa magaalada Baladweyne si uu fuliyo qorshaha loo soo dirray ee ah dilka nabadoon-ka.

Lama oga talaabada xigta oo ay qaadayaa saraakiisha maamulka gobollka Hiiraan mar haddii uu qirtay Mukhtaar Xassan Max’ed in uu yahay gacan ku dhiiglihii dilka geystay.

Hiiraan Online, News Desk