4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 13, 2012
Madaxweynaha Somalia oo sheegay inaysan Wadahadal la galayn Xarakada Al-shabaab inta ay Hubka wataan

Khamiis, December 13, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaysan wax wadahadal ah la galayn Al-shabaab iyo Al-Qaacida inta ay hubka wataan, balse ciddii ka tanaasusha fikirkooda ayuu sheegay inay soo dhaweynayaan oo ay labada gacmood ku qaadayaan.

Madaxweynaha oo wareysi siinayay BBC-da laanta afka Soomaaliga ayaa sidoo kale ka hadlay wadahadalladii u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo sheegay in wadahadalladaas ay sii socon doonaan; uuna rajeynsayo inay miro-dhal noqdaan wadahadalladaas.

"Dagaalyahannada shisheeye ee Al-shabab ka mid ah ama Al-Qaacida ka tirsan ee Soomaaliya) ku sugan wax wadahadal ah nagama dhexeeyaan waxa naga dhexeysa oo keliya inay dalkeenna nooga baxaan. Dhallinyarada Soomaalida ah ee ka mid ah Al-shabaab haddii ay hubka dhigaan waan soo dhaweynaynaa, balse inta ay hubka wataan oo ay aamisan yihiin dalkan dunida ayuu ka dhexeeyaa iyo inay wax dilaan ama qarxiyaan waan iska dhicinaynaa," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale ka hadlay daqliga dowladda ay ku shaqeyso halka uu kasoo galo, isagoo sheegay in dowladdu ay illaa iyo hadda ku shaqeynayso daqliga kasoo xarooda dekedda iyo garoonka diyaaradaha, ayna wadaan dadaallo kale oo ay ku horumarinayaan daqliga dowladda soo gala.

"Dowladdu illaa hadda waxay ku tiirsan tahay daqliga kasoo gala dekedda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho, sidoo kale waxaan wadnaa qorshe aan ku horumarinayno daqliga gudaha laga helo sida canshuuraha. Waxaase jira inay dad Soomaaliyeed oo dibadaha ku nool ay lacago kusoo taageeraan dowladda kuwaasoo kusoo shuba bankiga dhexe," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu ka hadlay wadahadalladii u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo Somailand, isagoo xusay inay u hakadeen doorashooyinkii ka dhacay Muqdisho ee lagu soo doortay iyaga iyo doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee Somaliland ka dhacay.

"Wadahadalladu waa sii socon doonaan, laakiin duruufo ayaa hakiyay, waayo waxaa la galay in xilliga KMG ah laga baxo, sidoo kale Somaliland waxaa ka dhacayay doorashooyin, waxaana rajeynayaan in wadahadalladu ay noqdaan kuwo miro-dhal ah," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu iska fogeeyay in dowladdiisa ay ku koobtay xukuumadda xubnihii xisbigiisa ka tirsanaa oo inta kale uu iska riixay, isagoo xusay inay jiraan dad xubnihii uu isagu la tartamay u ololeynayay ay ka mid yihiin xukuumadiisa.

"Dowladdu ma ahan mid xisbi gaar ah ku xiran, waa mid u dhexeysa Soomaalida oo dhan, waa mid u dhexeysa beelaha Soomaalida oo dhan. Dadka hadalladan faafiyay waa kuwo qas-wadayaal ah oo aan doonayn dowladnimada Soomaaliya inay noqoto mid hirgasha," ayuu madaxweynuhu ku yiri wareysigiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya oo xilka loo doortay bishii Septmber ee sannadkan ayaa wuxuu dadaal ugu jiraan in Soomaaliya uu ka saari lahaa dhibaatooyinkii ay kusoo jirtay labaatankii sano ee colaaduhu ay jireen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya