4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 13, 2012
Iska-horimaad Xeebaha Degmada Garacad ku dhex-maray Ciidamada Badda Puntland iyo Kooxo burcad-badeed ah


Khamiis, December 13, 2012 (HOL) — 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa xeebta degmada Garacad ee gobolka Mudug ka dhacay dagaallo khasaare dhaliyey oo dhex maray ciidamada badda ee Puntland iyo kooxo burcad-badeed ah.

Ugu yaraan hal askari oo ciidamada badda ka tirsan iyo saddex nin oo burcad-badeed ah ayaa la xaqiijiyey inay geeriyoodeen, sidoo kale waxay dhaawacyo kala duwani soo gaareen lix qof oo ka kala tirsanaa labada dhinac.

Iska hor imaadka ayaa bilowday kadib markii ciidamada badda ee uu fadhigoodu yahay degmada Eyl ay weerar qorsheysan kusoo qaadeen koox burcad ah oo muddo saddex sano ku dhow xeebaha degmada Garacad ku haystey markab laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta.

Ciidamadan oo ay kaabayaan diyaaradaha qummaatiga u kaca iyo gaadiidka dagaalka ayaa dhowr mar oo ay isku dayeen in ay markabka xoog kula wareegaan ku guuleysan waayey, waxayna xiligan dhinaca badda iyo berrigaba ka go'doomiyeen goobta markabka - oo MV ICEBERG-1 lagu magacaabo- uu ku sugan yahay.

MV ICEBERG-1 oo uu ka dul babanayo calanka dalka Panama, islamarkaana laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, waxaa la afduubtay March 2010, waxaana saaran 22 badmaax oo u kala dhashay dalalka: Sudan, Yemen, Ghana, Pakistan, Philippines iyo India.

Burcadda markabka MV ICEBERG-1 uu gacanta ugu jiro ayaa dalbaday lacag madax furasho ah oo gaareysa 5 ilaa 8 milyan oo Dollar, inkasta oo ay shirkadda iska lihi ka madax adagtay in ay lacagta intaas le'eg bixiso. Waxaana xusid mudan in kooxda markabkan haystaa ay dileen kabtankiisii oo ay dhalashadiisu Yemeni ahayd, laguna magacaabi jirey Cabdirasaaq Cali Saalax.

Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli sanadkan sii dhamaanaya ee 2012 ay si aad ah hoos ugu dheceen weeraradii ay gaadiidka maraya badaha caalamiga ah ku qaadi jireen kooxaha burcad-badeedda Soomaalidu, haseyeeshee waxaa weli gacantooda ku jira tobanaan markab iyo badmaaxiin boqolaal gaaraya.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya