3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 10, 2012
Madaxweynaha Somaliland oo Markii ugu Horreysay ka hadlay Rabshadihii ka dhacay Hargeysa, Farriinna u diray Guddida doorashooyinka

Isniin, December 10, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, ayaa markii ugu horaysay ka hadlay rabshadihii ka dhacay magaaladda Hargeysa ee dhimashada iyo dhaawaca sababay, waxaanu guddida doorashooyinka usoo jeediyey inay masuuliyada doorashadu ay iyaga saarantahay, isla markaana loo baahan yahay inay soo saaraan wax ummadda ku qanacdo.

Madaxweynuhu waxa uu sidaas ka sheegay mar uu maanta ka qaybgalay maalinta caalamiga ah ee xuquuqda insaanka ee bisha December tobankeeda sanad walba aduunka laga qabto oo lagu qabtay hoteel maansoor ee magaalada Hargeysa.

Munaasibadan lagu xusayo maalinta xuquuqda insaanka waxa soo qayban qaabiyey guddida xuquuqul insaanka qaranka ee Somaliland, waxaana kala soo qaybgalay ururada bulshadda, kuwa naafada, wasaaradda cadaaladda, wasaarada shaqaalaha iyo arrimaha bulshadda iyo hay’adaha caalimiga ah.



Gudoomiyaha Guddidan Xuquuqul insaanka madaxa banaan ee Somaliland Fatxiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in guddidan uu yahay mid madax banaan, isla markaana xeerkii ay ku shaqayn lahaayeen baarlamaanku meel mariyey, madaxweynuhuna saxeexay, waxaanay madaxweynaha uga mahad naqday dadaalka uu galay dhaqangalinta xeerka xuquuqul insaanka Somaliland.

“maalintani waxa ay calaaamad u tahay maalinta qaramada midoobay u astaysatay maalinta xuquuqda aadamaha, waxan jecelahay in qaadashada maalintani ka timid dhacdo ka timid dagaalkii labaad ee aduunka waxana loo qaatay in aanay dhicin dhibaato ka dhan ah xuquuqda aadanaha”ayey tidhi gudoomiyaha xuquuqda adaamaha Fatxiya Xuseen waxaany intaas ku dartay “ Dadkana waxan kula dardaarmayaa in ay ilaaliyaan xuquuqda aadamaha si looga dheeraado iska hor imaad iyo ku tumasho xuquuda aadamaha ah”.

Sanadkan ayaa hal ku dhag loogu dhigay maalinta xuquuqda aadamaha aduunka  xuquuqdaydu iyo codkaygu waa muhiim, taas oo lagu dardargalinayo in la ilaaliyo xaquuqda bani’aadamka.

Gudoomiyaha ururka Haweenka Somaliland Nafiisa Yusuf, ayaa sheegtay in dumarku aanay ka maarmi karin in kooto loo siiyo goleyaasha baarlamaanka, maadaama oo doorashadii dhowaa aan la dooran haweenkii, , taasina ay caqad ku tahay xuquuqda haweenka.

 “ Maanta waxan halkan ka cadaynayaa in 142 dumar ah oo isasoo sharaxay aan lahayn gabadh kaliya oo caasimada kasoo baxday, Burco iyo Berbera kasoo baxday, midna taasina waxa ay muujinaysaa in ay aan haweenka Somaliland ka maarmayn kooto. Dumarkaasi dhaqaale kumay hadhin cududna kumay hadhin, laakiin waxan na hortaagan dhaqankii, waxanan doonaynaa in aad noogu hiilisaan kooto aad nasiisaan.”ayey ku dooday Nafiisa Yuusuf oo afka haweenka ku hadlaysay.

Ugu dambayntii waxa munaasibadaasi soo xidhay madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, waxaanu sheegay in loo baahan yahay in la ilaaliyo xuquuqda bani’aadamka, waxaanu caalamka ka codsaday in xaquuqda somaliland ku leedahay aduunka ee ah aqoonsiga in la siiyo uu aduunku tixgaliyo.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu ka hadlay rabshadihii dhowaan ka dhacay magaaladda Hargeysa isagoo sheegay inuu ka xun yahay dadkii wax ku noqday, waxaanu Guddida Doorashooyinka usoo jeediyey inay masuul ka yihiin arrimaha doorashoyinka sidaa darteed ay soo saaraan wax dadka ka farxiya.

 “doorashadii golaha deegaanka ee dalka ka dhacay waxay inoogu dhacday si nabadgalyo ah, balse nasiib daro natiijadii ka soo baxday waxay sababtay dhmasho iyo dhaawac”ayuu yidhi madaxweynuhu, waxaanu fariin u diray guddida doorashooyinka, waxaanu yidhi “komishanka waxaan leeyahay qaranku idinku idin sugayaa, masuuliyada doorashadu idinkay idin saaran tahay, waxaana la idinka sugaya wax ay ummaddu ku faraxdo”

“waxaan ka xumahay dadkii ku dhintay rabshadahaasi, waana ka tacsiyadaynayaa ehelkoodii iyo guud ahaan shacabka Somaliland, waxaan bulshadda Somaliland leeyahay ha la sugo natiijadii doorashadda, nabadda ha la ilaaliyo, madaxweyne ahaan cidna ka ogolaan mayno in wadanka khalkhal galiyo”ayuu hadalkiisa sii raaciyey madaxweyne Axmed Siillaanyo oo ka hadlay rabshadihii maalinta dhowaad ka dhacday magaaladda Hargeysa.

“waxaan caalamka ugu baaqaynaa umaddda Somaliland in badan bay u soo halgameen xuquuqdooda, waxaan leeyahay waa in xuquuqdooda madax banaanidooda ay xaqa u leeyihiin lagu ixtiraamaa oo la siiyaa”ayuu ku soo xidhay hadalkiisii.



Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
12/10/2012 3:21 PM EST
Isniin, December 10, 2012 (HOL)- Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta ka dhacday munaasabad lagu daah furayey mashruuc lagu ballarinayo garoonka magaalada Boosaaso oo ah kan ugu weyn deegaanada Puntland.

12/10/2012 11:43 AM EST
Isniin, December 10, 2012 (HOL) —Waxaa soo hagaageysa xaaladda caafimaad ee xildhibaan Yuusuf Xasan oo uu dhawaan dhaawac kasoo gaaray qarax xooggan oo lagula eegtay afaafka hore ee masjidka Al-hidaya oo ku yaal xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

12/10/2012 8:43 AM EST
Isniin, December 10, 2012 (HOL) — Hay'adda WAANO oo ka shaqeynsa ka hortagga nafqo-darrada iyo taageerada haweenka Soomaaliyeed ayaa Muqdisho ku qabatay xaflad loogu mahad-naqayo Maama Xaawo Aadan Maxamed oo dhawaan la siiyay abaalmarin ay ku muteysatay gargaaridda barakacayaasha.

12/10/2012 7:19 AM EST
Isniin, December 10, 2012 (HOL) — Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland iyo xisbiyada, ayaa kulan ay albaabadu u xidhan yihiin ku yeeshay magaaladda Hargeysa, kaas oo ay kaga arrinsanayaan qaabka dib loogu eegi doonno tirinta codadka degmadda Hargeysa.

12/10/2012 7:01 AM EST
Isniin, December 10, 2012 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa maanta degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe halkaasoo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM shalay kala wareegeen xoogaggii Al-shabaab, iyadoo wasiirku uu sheegay in xaalad deggenaasho ah ay ka jirto degmadaas.

12/10/2012 7:01 AM EST
Isniin, December 10, 2012 (HOL) — Hay'adda ILO iyo haya'dda Horn For Relief and Development (HRD) ayaa maanta tababar lagu kobcinayo hal-abuurka ganacsiga haweenka Soomaaliyeed Muqdisho uga furay 25 xubnood oo ka kala socday urrurada ganacsiga iyo dowadda Soomaaliya, iyadoo fulinta tababarka ay qayb ka tahay hay'adda horumarinta haweenka Soomaaliyeed ee IIDA.

12/10/2012 6:29 AM EST
Isniin, December 10, 2012 (HOL)- Dadweynaha Somaliland, ayaa labaddii maalmood ee u dambeeyey hadal hayey qaabka dib loogu noqonayo tirinta codadka degmadda Hargeysa, kaas oo ay is waydiinayeen sida loogu qanci karo hadii mar kale wax is bedelaan oo dad guulaysatay la yidhaa may helin.

12/10/2012 5:03 AM EST
Isniin, December 10, 2012 (HOL) —Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa magaalada Garissa ee xarunta gobolka waqooyi bari Kenya ku toogtay Askari katirsan ciidamada ammaanka Kenya iyo qof rayid ah, iyadoona sidoo kale dhaawac gaarsiiyay mid kale.

12/10/2012 2:35 AM EST
Isniin, December 10, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdu aysan ogolaan doonin inay dib u soo isbaarooyinkii la qaaday, isagoo sidoo kalena sheegay inaysan u dulqaadanayn in ruux ku labisan dharka ciidamada uu dhibaatooyo shacabka.