4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 3 , 2012
Orodyahannada Soomaaliyeed ee Zamzam Maxamed Faarax oo kaalinta Toddobaad ka gashay Orodka 400 Mitir ee haweenka
Jimco, Ogoosto 03, 2012 (HOL) — Orodyahanadda Soomaaliyeed ee ka qaybgalaysa ciyaaraha Olombikada caalmaka ee ka socda London ayaa kaalinta tododbaad ka gashay orodka 400-mitir ee haweenka.

Zamzam Maxamed Faarax oo ayaa la oroday haween ka socday dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Kenya, Ireland, Brazil iyo Kazakhistan, iyadoo ku oroday (1:20.48 - Hal daqiiqo, lataan minit iyo afartan iyo sideed sakan)

Natiijada ay ka gashay orodka Zamzam ayaa waxaa soo dhaweeyay dad badan oo Soomaaliyeed iyagoo sheegay inay muhiim tahay in mar uun calanka Soomaaliya lagu arko fagaarayaasha calaamka ee lagu tartamayo.

Orodyahannada Soomaaliyeed ee Zamzam ayaa iyadoo daallan waxay goor dambe soo gaartay bartii lagu kala baxayay, waxaana ku sugnaa garoonka ku sugnaa guddiga olombikada Soomaaliyeed.

Natiijooyinka la kala helay ayaa waxay kala ahaayeen:

1. MCCORORY Francena oo Mareykan ah oo ku oroday   50.78    
2. OHURUOGU Christine oo UK ah oo ku orodday            50.80
3. SAKARI Joy Nakhumicha oo Kenyan ah kuna oraday    51.85
4. CUDDIHY Joanne oo Ireland oo ku oroday            52.09
5. COUTINHO Geisa Aparecida oo Brazil ah oo ku oroday 53.43
6. MASLENKO Marina    oo Kazakhstan ah kuna oroday      53.66
7. ZamZam Maxamed Faarax oo ku oroday                 1:20.48

Caawa fiidkii ayaa lagu wadaa in orodyahanka Soomaaliyeed ee Maxamed Xasan Maxamed uu ordo, iyadoo aan la ogeyn natiijada uu ka gaari doono orodka maanta, maadaama ay isaga iyo Zamzam u ordayaan Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya