4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 29, 2012
Qaraxyo Khasaare Nafeed Geysay oo Xalay ka dhacay Magaalada Marko ee Xarunta Gobolka Shabeellada Hoose
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay dhowr kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kaddib qaraxyo waaweyn oo xalay ka dhacay gudaha degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada hoose, xilli ay halkaas ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo baaritaanno sameynayay.

Qaraxyada ayaa waxay ka dhaceen goob shaah lagu kariyo iyo saldhigga degmada Marko halkaasoo la sheegay in markii qaraxyadu ay dhacayeen ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo dad shacab ah.

"Way jiraan qaraxyada ka dhacay Marko, balse ma jiro khasaara ciidankeenna kasoo gaaray," ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka ee gobolka Shabeellada hoose, Axmed Maxamed Cumar.

Goobjoogayaal ku sugan Marko ayaa sheegay in qaraxyadu ay ahaayeen kuwo aad u waaweyn, balse aysan garan karin khasaaraha ay geysteen, waxaana warar aan ka helayno Marko ay sheegayaan in sidoo kale ay shalay gallinkii dambe qaraxyo ka dhaceen xarunta idaacadda Andulus ay ku lahayd degmada Marko xilli ay ciidamadu sameynayeen baaritaanno.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa shalay gudaha u galay degmada Marko halkaasoo ay dorraad Al-shabaab isaga baxday, iyadoo mas'uuliyiinta dowladda ay rajo ka muujiyeen inaysan wax falal ammaan-darro ah aysan ka dhici doonin degmada.

Mas'uuliyiin u hadlay Xarakada Al-shabaab ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay khasaare xooggan kasoo gaartay qaraxyo ka dhacay goobo degmadaas ka tirsan, inkastoo Al-shabaab aysan sheegin tirada askarta ku dhimatay.

Degmada Marko oo 90-km Koonfur kaga beegan Muqdisho ayaa waxay noqonaysaa meelihii ugu fogaa oo ay gaaraan ciidamada AMISOM tan iyo markii ay howgalkooda ka billaabeen Muqdisho sannadkii 2007 oo laga joogo muddo shan sano ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya