4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 26, 2012
Ergayga Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya oo Sheegay in ka bixitaanka xilliga KMG ah uu si gaabis ah ku socdo

Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Ergayga gaarka ah ee xogyahaha guud ee Qaramaeda Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa walaac ka muujiyay gaabis uu sheegay inay ku socoto howsha ka bixidda xilliga KMG ah.

Danjire Mahiga ayaa sheegay in walaaciisa ugu xooggan uu ku wajahan yahay dhameystirka xubnaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, kaasoo uu sheegay inuu dib u dhac weyn ku jiro.

"Waxaa aad uga walaacsanahay dib u dhac ku yimaada xulista 275-ka xildhibaan ee soo dooran lahaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya," ayuu yiri danjire Mahiga oo ugu baaqay cuqaasha Soomaalida ay dhameystiraan xildhibaannada si ay uga qayb-qaataan doorashada guddoonka baarlamaanka oo dhacaysa 28-ka bishan.

Toddobadkii hore ayay ahayd markii 211 mudane oo ka tirsan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya lagu dhaariyay Muqdisho, iyadoo tan iyo markaas ay jireen muran ku saabsan xildhibaanno ay guddiga farsamo ee xulista baarlamaanka dib ugu celiyeen odayaasha dhaqanka.

Hadalka Danjire Mahiga ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu xalay sheegay in Maxkamada sare ay go'aan ka gaari doono xildhibaannadii dib loo celiyay, inkastoo aysan maxkamaddu weli go'aan ka gaarin arrintaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya