4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 10, 2012
Ciidamada Dowladda KMG ee ku sugan Gobolka Bay oo xalay Baaritaanno dad lagu soo qabqabtay ka sameeyay Baydhabo

Jimco, Ogoosto 10, 2012 (HOL) — Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya ayaa xalay baaritaanno ay dad badan kusoo qabqabteen ka sameeyay degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo baaritaankan uu ahaa kii ugu xoogganaa ee ciidamada dowladda ay ka sameeyeen Baydhabo.

Goobjoogayaal ku sugan Byadhabo ayaa sheegay in ciidammo fara badan oo kuwa dowladda KMG ah ka tirsan ay xalay baaritaanno guri-guri ah ku sameynayeen xaafadaha ay degmadu ka kooban tahay.

"Howlgalkan waa mid lagu xaqiijinayo ammaanka guud ee Baydhabo," ayuu yiri taliyaha ciidamada booliiska gobolka Bay ee dowladda KMG ah, Col. Mahad C/raxmaan oo saxaafadad la hadlay.

Taliyuhu wuxuu sheegay in ciidammo badan ay dhigeen daafaha degmada uuna socoon doono howlgalka inta laga xaqiijinayo ammaanka guud ee Baydhabo, lagana soo qabqabanayo kooxaha xiriirka la leh Al-shabaab ku sugan magaalada.

Saraakiil ka tisran ciidamada dowladda ee gobolka Bay ayaa sheegay in howlgalkan uu yimid kaddib markii ay ka warheleen xoogag taabacsan Al-shabaab oo gudaha u soo galay degmada si ay qas uga abuuraan.

"In ka badan 10-ruux oo looga shakisan yahay Al-shabaab ayaa kusoo qabqabanay howgalka, welina waa socdaa," ayuu yiri taliyaha booliiska gobolka Bay oo sheegay in ciidammo badan ay ilaalo xooggan ka hayaan degmada.

Degmada Baydhabo ayaa waxaa tan iyo bishii Feberaayo ee sannadkan gacanta ku hayay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiya, waxaana tan iyo xilligaas ka dhacayay mararka qaarkood qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo inta badan ay sheegan jirtay mas'uuliyadooda Xarakada Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya