3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 4 , 2012
Qarax dhaliyay khasaare fara badan oo lagu Weeraray Golaha Murtida iyo Madadaalada ee Muqdisho (SAWIRRO)

Soldiers secure the national theatre after an explosion, in Mogadishu April 4, 2012. Al Shabaab rebels in Somalia claimed responsibility for an explosion at the national theatre in Mogadishu on Wednesday that killed at least six people and wounded some government officials.
Arbaco, Abriil 04, 2012 (HOL) — Qarax sababay dhimsho iyo dhaawaca fara badan maanta oo Arbaco ah ayaa ka dhacay golaha murtida iyo madadaaalada ee Muqdisho oo ay ka socotay munaasabad lagu xusayay sannadguuradii koowaad ee kasoo wareegtay markii dib loo howlgeliyay telefishinka dowladda Soomaaliya.

Weerarkan ayaa la sheegay inay fulisay haweeney isku soo xirtay waxyaabaha qarxa, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa mid ka dhacay gudaha tiyaatarka, waxaana xilligaas goobta ku sugnaa xubno fara badan oo uu ka mid ahaa ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali. Sidoo kale waxaa goobta ku sugnaa wasirro, xildhibaanno iyo mas'uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan.

Qaraxa ayaa wuxuu dhacay xilli uu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya khudbad jeedinayay, iyadoo aysan jirin wax gaaray ra'iisul waasaraha Soomaaliya. Laakiin waxaa ku dhaawacmay xubno uu ka mid yahay xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa iyo laba wasiir oo kala ah wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah, C/llaahi Goodax Barre iyo wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif.

Relatives assist an unidentified woman injured in an explosion at the national theater in Mogadishu, April 4 2012. Al Shabaab rebels in Somalia claimed responsibility for the explosion that killed at least six people and wounded some government officials.

Dadka ku dhintay qaraxa ayaa waxay tiradoodu gaaraysaa lix qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro ka badan 20-qof oo ay ku jiraan toddoba suxufi oo tabinayay xafladda, waxaana dadka dhaawacmay ay intooda badan ahaayeen shacab.

"Mar qura ayaa waxaa dhacay qarax weyn, waxaan arkay dad badan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo goobta daadsan," ayuu yiri mid ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa oo weli ku jira xarunta gudaheeda, isagoo sheegay in weerarka uu ahaa mid aad u dhawaq weyn.

Dadkii goobta ku dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta, Siciid Maxamuud Nuur (Mugaambe) iyo guddomiyaha guddiga olaymbikada Soomaaliyeed, Aadan Xaaji Yabarow (Wiish).

Baabuurta gargaarka deg-degg ah ee Ambalaasta oo dhaawacyo fara badan wada ayaa buuxiyay jidadka Muqdisho, waxaana dhaawacyada ka dhigayaa isbitaallada Muqdisho oo uu ka mid yahay isbitaalka weyn ee Madiina.

Ciidamada ilaalada madaxda dowladda KMG ah ee ku sugnaa golaha murtida iyo madadaalada iyo kuwa tiyaatarka ayaa waxay fureen rasaas badan, iyadoo goobta oo dhan ay xalaaddeedu noqotay mid kacsan. Sidoo kale, waxaa ku dhaawacmay wariyeyaal ka mid ah kuwa ka shaqeeya Muqdisho oo goobta ku sugnaa.

Policemen and residents secure the national theatre after an explosion in Mogadishu, April 4, 2012. Al Shabaab rebels in Somalia claimed responsibility for the explosion that killed at least six people and wounded some government officials.
Somalis move a man wounded in a blast at the Somali National Theater in Mogadishu, Somalia Wednesday, April 4, 2012. A suicide blast during a ceremony at Somalia's newly reopened national theater on Wednesday killed at least 10 people, including two of the country's top sports officials, officials said.
Soldiers evacuate an injured man as they secure the national theatre after an explosion, in Mogadishu April 4, 2012. Al Shabaab rebels in Somalia claimed responsibility for the explosion that killed at least six people and wounded some government officials.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
4/4/2012 9:18 AM EST
Arbaco, April 04, 2012(HOL):Saaka barqadii 11:45 daqiiqo ayaa waxaa uu qarax ka dhacay gudaha tiyaatarka qaranka Soomaaliyeed, kaasi oo geystay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dad muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

4/4/2012 8:34 AM EST
Arbaco, Abriil 04, 2012 (HOL) — Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa lagu sheegay in weerarkii Tiyaatarka uu ahaa mid ismiidaamin ah oo ay fulisay haweeney, kaasoo ay ku dhinteen dad shacab ah kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

4/4/2012 8:09 AM EST
Arbaco, Abriil 04, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali oo ka hadlay qaraxii ka dhacay Tiyaatarka Muqdisho ayaa sheegay inuusan wax khasaare ah kasoo gaarin, isagoo ku tilmaamay qarax fulaynimo ah oo waxyeello ay kasoo gaartay dad shacab ah.

4/4/2012 7:53 AM EST
Arbaco, Abriil 04, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay iyadu mas'uul ka ahady qarax khasaare badan geystay oo ka dhacay Tiyaatarka Muqdisho maanta, xilli ay ka socotay xaflad lagu maamuusayay furitaankii telefishinkta Qaranka.

4/4/2012 3:15 AM EST
Arbaco, Abriil 04, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho oo ah xarunta dalka Soomaaliya oo ay xasillooni-darro ay ka jirtay muddo 21-sano ah ayaa u muuqata xiligan mid xaaladdeeda nololeed ay caadi kusoo laabanayso.

4/4/2012 2:41 AM EST
Arbaco, Abriil 04, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay saakay la wareegeen gacan ku haynta degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool, halkaasoo saldhig u ahayd ciidamada dowladda KMG ah saddexdii sano ee lasoo dhaafay.

4/4/2012 2:39 AM EST
Arbaco, Abriil 04, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha guddiga fulinta ee ururka Ahlusunna Waljamaaca, Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee gacanta ku siinaya dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab ay isaga bixi doonaan deegaannada ay ka taliyaan dhammaadka bishan Abriil.