3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 4 , 2012
Nolosha Magaalada Muqdisho oo dib u soo laabanaysa kaddib sannado fog oo Xasillooni-darro ay ka jirtay

Arbaco, Abriil 04, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho oo ah xarunta dalka Soomaaliya oo ay xasillooni-darro ay ka jirtay muddo 21-sano ah ayaa u muuqata xiligan mid xaaladdeeda nololeed ay caadi kusoo laabanayso.

Haween ka tirsan saraakiisha booliiska Soomaaliya ayaa u sheegay wargeyska New York Times in la siiyay tababarro la mid ah kuwa la siiyay saraakiisha booliiska ee ragga ah. Iyagoo intaas ku daray inaan loo ogoleyn inay qaataan bastoolado, sababtoo ah iyadoo laga baqayo in laga xado.

Khadiijo Xaaji Diiriye oo ka mid ah saraakiisha saldhigyada booliis oo xiranayd shaar buluug ah iyo goonno madow ayaa waxay ka shaqeynaysay faylal ay ka buuxeen fariimo dacwadeed iyo magacyada dadka eedeysan oo lasoo xiray.

SAWIRRADA HALKAN KA DAAWO: Isha New York Times

C/llaahi C/raxmaan Alif oo ah farshaxamiiste sameeya sawir-gacmeedyada ayaa ku cabiray fikirkiisa in Soomaaliya ay weli ku jirto xilli KMG ah, isagoo intaas raaciyay: "Waxaan sameynaa sawirro dhabta ka hadlaya." Sawirka uu masawiray waxaa ka muuqada wiil yar oo qayb jirkiisa ka mid ah ay qalashay, taasoo loo fahmi karo inay jirto rajo iyo qayb kale oo qalalan oo loo fahmi karo inay weli jirto rajo xumo.

Fannaaniinta iyo muusigiistayaasha ayaa waxay todobaad ka hor kusoo bandhigeen golaha murtida iyo madadaalada ruwaayaddii ugu horreysay oo ka tarjumaysa sida ay dib ugu soo laabanayso rajada Muqdisho oo sannado badan aan wax ruwaayado ah lagu dhigin.

Sannadkii hore jidadka Muqdisho waxay ahaayeen kuwo ay rasaas ka dhacayso, balse hadda aad ayay uga duwan yihiin sidaas, waxaad ku arkaysaa dad badan oo u socda shaqooyinkooda, kuwaasoo ay ku jiraan dadka guryaha dhisa iyo kuwa kale oo ka shaqeysta suuqyada.

Badweynta Hindiya oo dhinaca bari ka marta Muqdisho ayaa waxaad ku arkaysaa kooxo kalluumeysato oo xambaarsan kalluun yaryar iyo kuwo waaweyn si ay uga iibiyaan shacabka iyaguna ay uga helaan nolol maalmeedkooda.

Xeebta Liido ayaa waxay noqotay goob ay u tamashle iyo dabaal tagaan maalin walba oo Jimco ah kumannaan qof oo u badan dhallinyaro, kuwaasoo qaarkood aan horay uga arag bad, waxayna ula muuqataa arrin cajiib ah.

Dhismayaashii ay caanka ku ahayd Muqdisho sida kuwii ku yaalla isgoyska KM-4 ee ay ka mid tahay aargadii weynayd iyo taaladdii Axmed Gurey ayaa maamulka gobolka Banaadir wuxuu ku sameeyay dayactir.

Argada oo la mariyay rinji cusub ayaa dusheeda sare ka muuqda astaamo ay ka mid tahay midka Jamhuuriyada Soomaaliya, sidoo kalena waxaa ka muuqda calaamada maamulka gobolka Banaadir.

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxay isku dayaysaa inay sugto ammaanka caasimadda, inkastoo habeennadan ay ka dhacaan dilal qorsheysan oo loo geysto dadka shacabka ah iyo ciidamada dowladda, iyadoo Al-shabaab ay sheegeen inay sii wadi doonaan weerarada ay ka geysanayaan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
4/4/2012 9:18 AM EST
Arbaco, April 04, 2012(HOL):Saaka barqadii 11:45 daqiiqo ayaa waxaa uu qarax ka dhacay gudaha tiyaatarka qaranka Soomaaliyeed, kaasi oo geystay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dad muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

4/4/2012 8:34 AM EST
Arbaco, Abriil 04, 2012 (HOL) — Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa lagu sheegay in weerarkii Tiyaatarka uu ahaa mid ismiidaamin ah oo ay fulisay haweeney, kaasoo ay ku dhinteen dad shacab ah kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

4/4/2012 8:09 AM EST
Arbaco, Abriil 04, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali oo ka hadlay qaraxii ka dhacay Tiyaatarka Muqdisho ayaa sheegay inuusan wax khasaare ah kasoo gaarin, isagoo ku tilmaamay qarax fulaynimo ah oo waxyeello ay kasoo gaartay dad shacab ah.

4/4/2012 7:53 AM EST
Arbaco, Abriil 04, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay iyadu mas'uul ka ahady qarax khasaare badan geystay oo ka dhacay Tiyaatarka Muqdisho maanta, xilli ay ka socotay xaflad lagu maamuusayay furitaankii telefishinkta Qaranka.

4/4/2012 5:33 AM EST
Arbaco, Abriil 04, 2012 (HOL) — Qarax sababay dhimsho iyo dhaawaca fara badan maanta oo Arbaco ah ayaa ka dhacay golaha murtida iyo madadaaalada ee Muqdisho oo ay ka socotay munaasabad lagu xusayay sannadguuradii koowaad ee kasoo wareegtay markii dib loo howlgeliyay telefishinka dowladda Soomaaliya.

4/4/2012 2:41 AM EST
Arbaco, Abriil 04, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay saakay la wareegeen gacan ku haynta degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool, halkaasoo saldhig u ahayd ciidamada dowladda KMG ah saddexdii sano ee lasoo dhaafay.

4/4/2012 2:39 AM EST
Arbaco, Abriil 04, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha guddiga fulinta ee ururka Ahlusunna Waljamaaca, Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee gacanta ku siinaya dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab ay isaga bixi doonaan deegaannada ay ka taliyaan dhammaadka bishan Abriil.