4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 15, 2012
Shirweynihii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo ku soo gabogaboobay buuq


Axad, April 15, 2012 (HOL)- Shirweynihii golaha dhexe ee xisbiga Taladda haya ee KULMIYE ayaa maanta ku soo gabogaboobay buuq ka dib markii gudoomiye ku xigeenkii kowaad Cabdiraxmaan Cabdiqaadir lagu eedeeyey inuu ka horyimid sharciga KULMIYE, sidaas darteed golaha dhexe laga codsaday in xil xayuubin iyo xubinimadii xisbiga laga saaro.

Gudoomiye ku xigeenka 1aad Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, ee xilka laga qaaday ayaa shirweynaha ka dalbaday inla dhagaysto si uu uga dooddo eedaasi, isagoo sheegay in aan awood loo lahayn in xubinimadda iyo xilkaba laga qaado, maadaamo oo shirweyne lagu doortay, haseyeeshee, lama dhagaysan oo xoog ayey ciidamadda amnigu ku saareen.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa ku xigeenkiisa xilka laga qaaday ku eedeeyey inuu jabiyey heerar hoosaadka xisbigu dhigtay, isla markaana eedeen usoo jeediyey xukuumadda ka timid xisbiga kulmiye, haseyeeshee, guddoomiyahan xilka laga qaaday Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaa sheegay in aanu wax xeer ah jabin, isla markaana dacwadiisa geyn doono maxkamadda dalka iyo kuwa caalamiga ah.

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo markii shirka laga soo saaray warbaahintu ku aragtay dibada, isagoo cisbitaalka ku socda, ayaa sheegay in jug ka soo gaadhay markii ciidamaddu ka soo saarayeen shirka, isla markaana uu dhakhtarka ku socdo si loo qiimeeyo xaaladiisa caafimaad.


Shirweynaha maanta ayaa waxa xilalkii ka banaan hogaanka sare ee xisbiga ay doorteen golaha dhexe ee xisbiga, waxaana gudoomiye ku xigeenka 1aad loo doortay Maxamed Kaahin, halka 2aad loo doortay xildhibaan ka tirsan golaha Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye), waxa kale oo la doortay xoghayaha guud ee xisbiga Xasan Siciid, halka sidooddii loogu daayey guddoomiyaha iyo ku xigeenadda 3aad iyo 4aad ee xisbigu hore u lahaa, waxaana halkaasi lagu ansixiyey xubno ku cusub golaha dhexe oo ay ku jiraan sideed wasiir.

Shirweynahan waxa soo xidhay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacil Saylici oo bulshadda ugu bushaareeyey in wixii loo doortay ku mashquulsan yihiin, isla markaana aanay kala fogaan dadweynihii balse hawlaha jira darteed ay suurogali wayday in taageerayaashii ay is arkaan.

Si kastaba ha ahaatee, siyaasiyiin badan ayaa dhaleeceeyey qaabka xilka iyo xubinimada xisbiga looga qaaday, maadaama oo uu ka mid ahaa siyaasiyiintii mudada dheer mucaaradka wada ahjaayeen madaxweyne Siillaanyo, isla markaana dhaawac dhabarka ah ka soo gaadhay mar uu baabuur kula dhacay wadda Berbera iyo Hargeysa isku xidha, isagoo hawlaha xisbiga ku gudda jira.


Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland