9/28/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 15, 2012
Roobabkii Gu'ga oo ka billoday Koonfurta Soomaaliya, iyadoo laga digayo inay yaraan karaan roobabkii sannadkan

Axad, Abriil 15, 2012 (HOL) — Roobabkii gu'ga ayaa ka curtay Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo, iyadoo muddo saacado ah uu ka da'ayo roob degmadaas oo ku dhow soohdinta ay wadaagaan Somaaliya iyo Kenya.

Dadweynaha ku nool degmada Balad-xaawo ayaa sheegaya in roobku uu yahay mid aad xooggan, balse aan lahayn onkod iyo jabaq, waxayna sheegeen in jidadka oo dhan ay biyo dhigeen.

"Roobabku aad u xooggan yihiin waxayna biyo badan dhigeen waddooyinka, kuleylkii jirayna waa yaraaday," ayay yiraahdeen dhowr qof oo ka tirsan dadka ku nool degmada Balad-xaawo.

Deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Gedo ayaa laga soo sheegayaa inay roobabku ka billowdeen, waxaana deegaannadaas ay ahaayeen kuwii ugu darnaa ee ay ku dhufteen abaarihii dadka badan dilay ee ku dhuftay Koonfurta Soomaaliya.

Billowga roobabkan ayaa waxay kusoo beegmayaan iyadoo hay'adaha samafalka iyo kuwa saadaasha hawada ee dunida qaarkood ay ka digayaan in sannadkan ay hoos u dhici karaan roobabkii ka di'i lahaa Soomaaliya.

Hay'adaha samafalka ayaa waxay sheegeen in roob yaraanta ay sababi karto inay dib u soo laabtaan macluushii ka dhalatay abaarihii ku dhuftay Soomaaliya sannadkii hore kuwaasoo salfaday nolosha 29,000 oo caruur iyo dad waaweyn isugu jira.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
4/15/2012 1:17 PM EST
Axad, April 15, 2012(HOL): Munaasabad si weyn loo soo agaasimahay oo lagu furayey garabka Xisbiga TAYO PARTY ku yeelanayo wadanka Holland ayaa maanta waxaa lagu qabtay magaalada xarunta u ah siyaasada Dalka Netherlands ee Denhaag, Waxaana kasoo qeybgalay xafladaasi dadweyne aad u badan oo ka kala yimid dalka Holland iyo Halgamaa Abdiqadir Boolaay oo ka yimid UK.

4/15/2012 12:40 PM EST
Axad, April 15, 2012 (HOL)- Shirweynihii golaha dhexe ee xisbiga Taladda haya ee KULMIYE ayaa maanta ku soo gabogaboobay buuq ka dib markii gudoomiye ku xigeenkii kowaad Cabdiraxmaan Cabdiqaadir lagu eedeeyey inuu ka horyimid sharciga KULMIYE, sidaas darteed golaha dhexe laga codsaday in xil xayuubin iyo xubinimadii xisbiga laga saaro.

4/15/2012 8:02 AM EST
Axad, Abriil 15, 2012 (HOL) — Maxkamadda darajada koowaad ee Boosaaso ayaa ku xukuntay maanta oo Axad ah nin lagu qabtay sagaal caruur aad u da'yar oo uu kasoo xaday gobollada Koonfurta Soomaaliya.

4/15/2012 7:39 AM EST
Axad, Abriil 15, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa weydiistay ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi inuu gacan ku siiyo dowladdiisa sidii ay Soomaaliya oo dhan uga saari lahayd Xarakada Al-shabaab oo uu sheegay inay caqabad ku tahay ammaanka gobolka oo dhan.

4/15/2012 7:26 AM EST
Axad, Abriil 15, 2012 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha fulinta ee Ahlusunna Waljamaaca, Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee degmada Guriceel iyagoo kusii jeeda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

4/15/2012 7:05 AM EST
Axad, Abriil 15, 2012 (HOL) — Saddex ka mid ah ilaalada ra'iisul wasaaraha DKMG ah ee Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali oo uu ku jiro madaxii ilaalada oo Cali Yare lagu magacaabo ayaa loo qabtay qaraxii Tiyaartarka Muqdisho ka dhacay afartii bishan kaasoo ra'iisul wasaaruhu uu ka badbaaday.

4/15/2012 6:53 AM EST
Axad, Abriil 15, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba qof oo ganacsato ah ayaa lagu dilay qarax maanta ka dhacay degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, iyadoo qaraxaas ay ku dhaawacmeen tobaneeyo qof oo ay ku jiraan ciidammo ka tirsan kuwa DKMG ah.

4/15/2012 6:14 AM EST
Axad, Abriil 15, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa gobollada ay gacanta ku heyso ka mamnuucday ka ganacsiga qaadka, iyadoonaa saraakiisha Al-shabaab ay sheegeen in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidii qaadka soo gelisa gobollada ay gacanta ku hayaan ee koonfurta Soomaaliya.

4/15/2012 6:11 AM EST
Axad, Abriil 15, 2012 (HOL) — Warar dheeri ah ayaa kasoo baxayo dagaan culus oo shalay gelinkii dambe ilaa xalay ka dhacay deegaanka Xayo ee gobolka Jubada Hoose, kaasoo u dhexeeyay xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda KMG oo garab ka helaya kuwa Kenya.

4/15/2012 3:29 AM EST
Axad Sunday, April 15, 2012 (HOL) - Shir ay wadajir u soo wada qabanqaabiyeen hayadaha kala ah Somali Strategy Forum iyo WEInstitiute ayaa maalintii Sabtida ahay, ee bisha Abriil, 2012, lagu qabtay magaalada Chicago ee dalka Maraykanka.

4/15/2012 3:25 AM EST
Axad, Abriil 15, 2012 (HOL) — Qaar ka mid ah culumaa’uddiinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in dhibaatadda ka jirta dalka uu sabab u yahay jahliga, iyadoo hadal ka sheegay munaasabad lagu qabtay Muqdisho oo lagu soo bandhigayay buugaag cilmi ah oo Muqdisho ka dhacday.

4/15/2012 3:04 AM EST
Axad, Abriil 15, 2012 (HOL) — Kumannaan qof oo cuna jaadka ayaa u soo guuray Muqdisho, kaddib markii Al-shabaab ay ka joojisay gobolladii ay ku noolaayeen oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya cunista jaadka.

4/15/2012 2:55 AM EST
Axad, Abriil 15, 2012 (HOL) — Isbitaallo ay dowladda Turkigu ka dhistay Muqdisho ayaa lagu wadeeyay boqolaal kun oo bukaanno Soomaaliyeed ah, sida ay sheegeen dhaqaatiirta ka howlgalaysa isbitaalladaas oo la hadlay wakaaladda wararka dalka Turkiga.

4/15/2012 2:34 AM EST
Axad, Abriil 15, 2012 (HOL) — Madaafiic hoobiyeyaal ah oo la aqoon khasaaraha ay geysteen ayaa xalay lagu weeraray markii saddexaad muddo laba bilood gudahood ah xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo mas'uuliyadda weerarkan ay dusha u ridatay Xarakada Al-shabaab.