9/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 15, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya kala hadlay sidii Al-shabaab looga saari lahaa Soomaaliya

Axad, Abriil 15, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa weydiistay ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi inuu gacan ku siiyo dowladdiisa sidii ay Soomaaliya oo dhan uga saari lahayd Xarakada Al-shabaab oo uu sheegay inay caqabad ku tahay ammaanka gobolka oo dhan.

Kulanka madaxweyanha Soomaaliya iyo ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayaa ka dhacay magaalada Bahar-daar ayaa waxay labada mas'uul uga hadleen howlgallada ay ciidamada Itoobiya ka wadaan gobollada Soomaaliya qaarkood.

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayaa ballanqaaday inuu gacan ka siin doono dowladda KMG ah ee Soomaaliya sidii looga adkaan lahaa xoogagga Al-shabaab oo ay muddo saddex sano ah dagaal kula jirtay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif ayaa ku ammaanay ra'iisul wasaaraha Itoobiya sida uu dowladda KMG ah gacanta ugu siinayo dagaalka lagula jiro Al-shabaab, isagoo codsaday gacan dheeraad ah.

Dhanka kale, waxaa isla magaalada Bahar-daar ee dalka Itoobiya ka dhacay shir looga hadlayay ammaanka Qaaradda Afrika, iyadoo Soomaaliya uu uga qaybgalay madaxweynaha Soomaaliya iyo xubno uu hoggaaminayo.

Xukuumadda Addis Ababa waxaa kaga sugan Soomaaliya kumannaan askari oo ku garab-siinaya dowladda KMG ah iyo maamulka Ahlusunna sidii looga saari lahaa gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya xoogagga Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya