4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 15, 2012
Wafdi uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Fulinta Ahlusunna oo Maanta Wadahadallo ugu ambabaxay Dalka Itoobiya

Axad, Abriil 15, 2012 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha fulinta ee Ahlusunna Waljamaaca, Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee degmada Guriceel iyagoo kusii jeeda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Sheekh Xeefow oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Guriceel intii uusan dhoofin ka hor ayaa sheegay in sababaha ay Itoobiya ugu socdaan ay tahay sidii ay ugala hadli lahaayeen saraakiisha ciidamada Itoobiya xoojinta deegaannadii ay dhawaan ka qabsadeen Al-shabaab.

"Wafdiga aan hoggaaminayo waxaa ka mid ah saraakiisha hoggaaminaya ciidamada Ahlusunna Waljamaaca, waxaana Itoobiya ugu soconnaa sidii aan uga hadli lahayn saraakiisha ciidamada Itoobiya xoojinta goobihii laga qabsaday Al-shabaab, loona sii wadi lahaa howgallada ka socda gobollada dhexe ee Soomaaliya," ayuu yiri Xeefow.

Mar uu ka hadlay warar uu horay ugu sheegay warbaahinta ee ah inay ciidamada Itoobiya ka baxayaan gobolka Galguduud dhammaadka bishan Abriil ayaa sheegay in taasi ay ku xiran tahay hadba sida howlgalka socda loo dhameystiro.

Dhoofida uu wafdigan u dhoofay dalka Itoobiya ayaa waxay imaanayaan iyadoo ay jireen dhawaanahan ciidammo ka tirsan kuwa Ahlusunna oo degmada Ceelbuur kasoo laabanaya, kaddib markii uu khilaaf soo dhexgalay iyaga iyo ciidamada Itoobiya.

Xubnaha uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha fulinta ee Ahlusunna ayaa waxay noqonayaan xubnihii ugu horreeyay ee u ambabaxa dalka Itoobiya tan iyo markii ay ciidamada Itoobiya howgallada ka billaabeen gobolka Galguduud.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya