4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 15, 2012
Qaraxyo Khasaare kala duwan Geystay oo Maanta ka dhacay Degmada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo

Axad, Abriil 15, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba qof oo ganacsato ah ayaa lagu dilay qarax maanta ka dhacay degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, iyadoo qaraxaas ay ku dhaawacmeen tobaneeyo qof oo ay ku jiraan ciidammo ka tirsan kuwa DKMG ah.

Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay goob maqaahi ah oo ay ku sugnaayeen dad rayid ah iyo askar, waxaana saraakiil ka tirsan dowladda KMG ah iyo kuwa Ahlusunna ee ku sugan degamdaas ay sheegeen in qaraxa uu ahaa mid meesha lagu aasay.

"Waa jiraa in qarax ka dhacay degmada, waxaana ku dhintay laba qof oo rayid ah, dad kale oo ay ku jiraan askar dowladda ka tirsanna way ku dhaawacmeen," ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan degmadaas.

Sarkaalkan ayaa sheegay in sidoo kale ay jiraan laba qarax oo kale oo ka dhacay isla degmada, balse uusan garan karin khasaaraha ka dhashay isagoo sheegay in baaris lagu hayo qaabkii ay u dhaceen qaraxyada.

Ciidamadii dowladda KMG ah ee ku sugnaa halka uu qaraxa khasaaraha geystay ka dhacay ayaa howlgal ay sameeyeen ku qabqabtay dhowr qof oo ay ka shakiyeen, waxaana mas'uuliyiinta dowladda iyo kuwa Ahlusunna ee ku sugan Garbahaarey ay qaraxyadaas ku eedeeyeen Xarakada Al-shabaab.

Degmada Garbahaarey ayaa waxaa horay uga dhacay qaraxyo ay mas'uuliyadooda sheegatay Al-shabaab, kuwaasoo lagu dilay dad rayid ah iyo ciidammo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya