4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 15, 2012
Xarakada Al-shabaab oo guud ahaan Gobollada ay gacanta ku hayso ka mamnuucday ka ganacsiga Qaadka

Axad, Abriil 15, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa gobollada ay gacanta ku heyso ka mamnuucday ka ganacsiga qaadka, iyadoonaa saraakiisha Al-shabaab ay sheegeen in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidii qaadka soo gelisa gobollada ay gacanta ku hayaan ee koonfurta Soomaaliya.

Madaxa Amniga maamulka Al-shabaab ee degmada Baardheere, Xudeyfi Max'ed Cabddullaahi oo wareysi siiyay idaacadda Markableey ee ku taal degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegay in Xarakada Al-shabaab ay si guud uga mamnuucday gobollada ay ka taliso cunista iyo ka ganacsiga qaadka, waxaana uu sheegay in ay socdaan howlgallo ballaaran oo qaadka looga suulinayo guud ahaan gobollada ay gacanta ku hayaan ee koonfurta Soomaaliya.

Ciidamada ammaanka maamulka Al-shabaab ee degmada Baardheere ayaa howgallo ay ka sameyeen wadada isku xirta Baardheere iyo Baydhabo waxa ay ku soo qabteen gaadiid qaad u siday magaalada Baardheere.

Ganacsato Soomaaliyeed ayaa qaadka ka keen jirtay dalka Kenya, waxaana Xarakada Al-shabaab ay marar badan soo saartay awaamiir ka dhan ah Qaadka, kuwaasoo ay dadka uga digeysay iibinta iyo cunista Qaadka, haseyeeshee waa markii ugu horeeysay oo Xarakada Al-shabaab ay si guud u mamnuucdo ka ganacsiga qaadka ee gobollada ay gacanta ku hayso.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya