4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 15, 2012
Faahfaahin ku saabsan Dagaal culus oo illaa xalay ka dhacayay deegaanka Xayo oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose

Axad, Abriil 15, 2012 (HOL) — Warar dheeri ah ayaa kasoo baxayo dagaan culus oo shalay gelinkii dambe ilaa xalay ka dhacay deegaanka Xayo ee gobolka Jubada Hoose, kaasoo u dhexeeyay xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda KMG oo garab ka helaya kuwa Kenya.

Ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa Kenya ayaa la sheegay in ay weerar xooggan ku qaadeen saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen meel qiyaastii 20KM u jirta degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose, waxaana labada dhinac halkaasi ku dhexmaray dagaal aad u xooggan.

Saraakiil u hadashay dowladda KMG ayaa sheegay in weerarka ay iyagu qaadeen islamarkaasina ay qasaarooyin lixaad leh u geysteen xoogagga Al-shabaab, iyagoona intaa ku daray in ay burburiyeen saldhigyo ay Al-shabaab ku lahaayeen duleedka deegaanka Xayo ee gobolka Jubada Hoose.

Dhinaca kale, saraakiil iyana u hadashay Al-shabaab ayaa sheegay in ay qasaaro gaarsiiyeen ciidamada huwanta ah, waxayna sheegeen in dagaalkii shalay gelinkii danbe ilaa xalay ay ku dileen askar katirsan ciidamada Kenya iyo kuwa Dowladda, sidoo kalena ay gubeen gaadiid nooca dagaalka oo ay leeyihiin ciidamada Kenya.

Illaa imika ma jiraan warar madax banaan oo sheegaya qasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac, waxaana lagu soo waramayaa in xaaladda deegaanka Xayo ay saaka tahay mid dagan, iyadoona labada ciidan ay isku horfadhiyaan duleedka deegaankaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya